Waxyelada Isticmaalka Daawoyinka Badan !

0
209

Ma ogtahay in unugyada cadcad ee dhigga ay yihiin hab ka mid ah difaaca jidhka. Unugyadani waxay ku wareegsan yihiin jidhka dadka oo dhan iyagoo ka ilaalinaya inuu soo galo Jeermiska ama Viruska deegaanka hawada ka buuxa. Marka ay unugyadaasi    ( White blood cells)  galaan hawl difaac oo xoogan waa marka uu ka dhasho xumadda iyo weliba mararka qaarkood xasasiyadda qofka buka, xiligaasin waxa jidhku soo daaya unugyo aad u badan oo ka qayb qaata difaaca jidhka ee Jeermiska  soo weeraray.

Haddii uu  jidhku soo daayo unugyo difaac ah oo aad u badan taasi waxay muujisaa inu jiro khalkhal dhinaca jidhka waxaan laga yaaba haddii aan hore loo ogaan inay sababto xanuunka kansarka dhiiga. Laakiin haddii ay aad u hooseeyaan xadkii loo baahnaa waxa lagaa yabaa taasi inay keentay qofka oo aad u isticmaalay daawooyinka oo marka kasta xanuun yari ku dhaco uu si iskiis ah u qaato. Waxana loo baahan yahay qofku in aanu qaadan dawo aanu u qorin dhakhtar si aanu isugu keeniin xanuun halis ah halka uu doonayo inuu mid kale iska daweeyo.