Hargeysa(Dawan):-Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyi gelinta Somaliland Cali Xasan Maxamed(Cali Marreexaan) iyo Saleebaan Yuusuf Cali Koore,ayaa shalay xilka laka kala wareegay.
Munaasibad ay wasiiradu xilalka kula kala wareegayeen oo lagu qabtay wasaaradda biyaha Somaliland ayay ka soo qayb galeen wasiirro,xildhbaano,shaqaale waynaha iyo madaxda labada wasaaradood iyo marti Sharaf kale.
Wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan ayaa shalay si rasmiya xilkii ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradaaas Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta oo loo Magacaabay Wasiirka Horumarinta Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore.
Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta ahna Wasiirka Horumarinta Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka hadlay halkaa ayaa waxa uu sheegay in uu ka marakacayo in Wasaarada warfaafinta ay joogaan shaqaale aqoon leh.Waxaana uu yidhi”Waxa aan kaa marakacayaa in Wasaarada Warfaafinta ay joogaan dad aqoon leh oo sharaf leh,manaan soo kala caban intii aan xilka Wasaarada Warfaafinta joogay.waxaana aanu u wada joognay si gobanima iyo sharaf isixtiraam iyo wada shaqayn,waana Wasaarad milgo iyo sharaf leh waxa aan amaanayaa shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta,”.
Wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay in xooga saari doono qaybta Wacyigalinta ee in Umadda la jiheeyo oo la mideeyo.Waxaana uu yidhi”Waan ogohay aqoonta taariikhda iyo qalabka yaala Wasaarada Warfaafinta,tartan ayaana jira waxbana igama qars