Madaxweynaha Somaliland oo Wadahadalladii Jabuuti iyo Heshiiskii Taariikhiga ahaa ee lala Galay Itoobiya Uga Warramay Madaxda 10ka Urur Siyaasadeed ee dalka

0
190

Xisbiyada Mucaaridka oo ka Baaqday kulan wada tashi  Qaran ahaa oo Madaxweynuhu ku marti qaaday

 

Qore: Cumar M. Faarax

Hargeysa(Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa  shalay kulan saacado qaatay la yeeshay madaxda  tobankii urur siyaasadeed ee u soo baxay tartanka doorashada ururada iyo Asxaabta Qaranka Somaliland, iyadoo ay  madashaas  ka maqnaayeen labada xisbi mucaarid oo kulanka lagu marti-qaaday balse aan ka soo qaybgelin.

 

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu warbixin guud ka siiyey hoggaamiyeyaasha ururrada siyaasadda xaaladda guud ee Dalka, waxaanu u sharraxay  xog ku wajahan  heshiiskii isfahanka ahaa ee taariikhiga ahaa ee dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federaalka Itoobiya.

 

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu warbixin taa la mid ah ka siiyey guddoomiyeyaasha iyo madaxdii kale ee ururada siyaasadda ee fadhiyey shirka wada-hadaladii dib uga bilowday dalka Jabuuti ee u dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

 

 Waxaana kulanka madaxweynaha ku wehelinayey Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga kulmiye Cabdicasiis Maxamed Samaale, guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi dheere) Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar, Wasiirka Xannaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha mudane Cabdikariim Axmed Maxamed(Xinif),

 

Dhinaca Ururadana waxa kulanka ka soo qaybgalay, guddoomiyeyaasha Barwaaqo, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Shacabka, Dr Maxamed Maxamuud Kaahin, Talo-wadaag, Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa, Rejo, Cabdilaahi Axmed (Dahab), Ogaal Marwo Rooda Cabdi Muuse, Horseed Mudane Cabdilaahi Imaan Dirawal, Guddoomiye ku-xigeenka Mideeye, Mudane Cabdiqani Guuleed Maxamed, guddoomiye ku xigeenka ururka Kaah, Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habbane, Xoghayaha guud ee Hillaac, Dr. Foosi Maxamuud Qoofal, xoghayaha ee guud Ogaal, Mudane Cabdikhaaliq Cabdilaahi Maxamed iyo xoghayaha guud ee ururada siyaasadda Xamse Xasan Axmed.”