WEEDHA WARGEYSKA Soomaaliya: La-hayste ku Dacwoonaya Qaran Xor ah

0
180

Soomaaliya ma waxa ay doonayaan in aanu ku sii jirno godkii aanu sibiqda ugu dhacnay 1960-kii?, Ma waxa ay doonayaan in aanu qayb ka noqono dawladnimada aan isku-tashiga bulsho ku dhisnayn ee lagu ilaaliyo qolofteeda qasrigii xoogga lagaga saaray keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre, cid kale oo uga dambeysayna aanay ka talin iyadoo haysata Iraado iyo awood maamul dhammaystiran?.

 

Ma waxay doonayaan in mustaqbalka Ubadkayagu u deldelnaado danaha iyo rabitaanka kuwooda ay u talin kari waayeen? Ma waxay na leeyihiin nala dhinta, nala fashilma, nala jooga dawlad la’aan oo meel kale uma socon kartaan? Halkay joogtaa Soomaaliya? Meeday Jamhuuriyaddii Soomaali ee aanu wada dhisanay 1960-kii? Maxay isu diidsiinayaan xaqiiqooyinka nool iyo taariikhda qoyan?

Ma waxay is-halmaansiinayaan dhibaatooyinkii shalay loo gaystay ummadda Somaliland ee isugu jiray gumaadka, gowraca iyo go’doominta Dhaqan-dhaqaale?.

 

 Mise waxay dafirayaan in gabood-falladaasi ee ay kula kacday Shacbiga Hargeysa iyo Burco  dawladdii ay qaranimadooda ku darsadeen? Tiiyoo uu diiwaanka ku jiro gabaygii Garnaqsiga ahaa ee uu tiriyey Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timo-cadde, kaasoo ahaa:

“Maalintii dabku qiiqayeen

Isticmaarkii is diidnay

Nimankii danta sheegtayee

Dariiqooda ka leexanee

Dacwaddooda dhammaystayee

Dalkan caawa aan joogno

Dulligii isticmaarkiyo

Dahaadhkiiba ka siibayee

Karal daaqad ka saarayee

Duddaanu ahayn,

Dawlad soo gashay mayhine

Danteennaa laba diidaye

Dabuub aanu maqlaynay

Dareen baan ka qabnaayoo

Dugsigii baarlamaankiyo

Dekeddii Xamar baa leh

Berbera daadku ha qaado

Doonniyihii yaanay ku weecan

Duqaydii baarlmaankaay

 

Labadaa kala daayoo

Yaan loo daymo la’aan.”

 

Miyaanay  xusuusnayn jiritaanka dhibaatooyinkaas uu ka maansoonayey Cabqarigii Waddaniga ahaa ee Timo-cadde? Mise waxay rabaan in  aan sidooda ku noolaanno riyo iyo cadiifad la’aan?

Maxay u dareemi waayeen inay maanta Somaliland taladeeda jaan-gooyaan jiilkii ku dhashay qaxii iyo baro-kicintii aan loo aabbo yeelin ee waddankayaga ka dhacay?, kuwaasoo ah kuwii Aabeyaashood lagu hor toogtay, kuwii hooyooyinkood lagu hor silciyey iyo kuwii dar-xumada iyo diifta kula noolaa Xeryihii Qaxoontiga ee Dulcad iyo deegaamada kale ee Itoobiya sannadihii siddeedtamaadkii ilaa dhammaadkii sagaashamaadii? miyey kuwaasi oo ah shacbiga Somaliland qaybta  ugu badani aqbalayaan inay Itoobiya tahay Cadowgooda koowaad ama labaad, iyagoo ogsoon in uu yahay Dalkii ay ku badbaadeen iyaga iyo waalidiintood maalintii lagu xasuuqay boqolaalka kun Hargeysa, Burco ama deegaamada kale ee JSL? Sow Soomaaliya may dhigin casharkii na ilowsiiyey taariikhda colaaddeed ee ay daliilshanayaan muducigoodu? Sidee ayey maanta noogu beer-laxowsan kartaa?

Madaxda iyo shacbiga leelleelka siyaasaddeed lagu xukumo ee Soomaaliya isweydiimahani inay horyaallaan way rumaysan yihiin waanay ogyihiin, laakiinse inay qiraal ka noqdaan dooddeenna waxay kaga dhuumanayaan ama iskaga difaacayaan jilis iyo jaarri wakhtigiisii dhammaaday. Mana aha dad ayidsan jiritaanka Mataanihii wada dhashay gu’gii xornimada ee 1960-kii ee waa ummad hallowsan oo maskaxdooda lagu shubay been iyo khayaali dhallan habaabis ah, kuwaasoo ku andacoonaya in israacii Somaliland iyo Soomaaliya uu muqadas yahay, uguna doodaya sidii inuu ahaa waxyi samada ka soo degay oo aan laga noqon Karin.

 

 

33 sanno waxay dagaal kula jiraan gooni-isutaaga iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoon sabab cad daliilshanayn, xukuumad kasta oo talada Soomaaliya lagu maqaar-saaraa waxay  yoolkeeda koowaad ka dhigataa burburinta nabadgelyada iyo horumarka Somaliland, wayse ku guul-daraysteen damacooda ishortaaga qaddiyaddeenna, waxaanay teer iyo waayo hore ka daba-qaylinayeen tallaabo kasta oo ay Jamhuuriyaddu dhinaca toggan u qaado, si lamida arrinta iminka taagan ee ku saabsan heshiiska dhex maray Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi iyo Reysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali. Sida xaqiiqdu tahay ama la dareensan yahay Madaxweynaha Maamulka Xamar iyo kooxdiisa xayndaabka talada la joogtaa kama soo horjeedaan qoondada Itoobiya Heshiiska ku leedahay hase yeeshee waxay diiddan yihiin waa soo hadal-qaadka Aqoonsiga Somaliland. Waayo shalay Villa Somalia waxay heshiis kula gashay Itoobiya isticmaalka iyo ku-tasarufka lix dekeddood oo ku yaalla geyiga Soomaalida, sidoo kale Dekedda Xamar, Garoonka diyaaradaha iyo goobaha kaabeyaasha Dhaqaalaha ee Dalkaasi waxa gacanta ku haya Shirkaddo iyo Dawladdo Shisheeye.

 

 Sidaas awgeed, baanay uga gilgilanayn tacaamulka dibaddeed xataa haddii uu khatar ku yahay amniga gobolka, balse baroorta iyo buuqa ay samaynayaan waa keliya inay diidan yihiin ictiraafka Somaliland, kaasina maaha mid ay isbaaro u dhigan karaan wakhti xaadirkan ee indhahooda oo shan ah ayeynu u dabaal-deggi xilli aan fogayn haddii Alle idmo.

 

 

Geesta kale, Waxa kuwa Xamar jooga ee sida fiinta u qaylinaya maalmihii la soo dhaafay ka daran kuwa aan waligood xornimada dhadhamin dal ay leeyihiinna maamulin ee ka soo bu’aya Kenya iyo meelo kale, sida Faarax Macalin iyo xil-lagu-haysteyaal kale oo ka tirsan Baarlamanka Dalka Kiiniya, kuwaasoo ka soo jeeda Geerisa iyo deegaamada kale ee gobolka Waqooyi bari ee ay degen yihiin dadkii Soomaaliyeed ee uu gumaystuhu ku daray Dalka Kenya.

 

 Bal isweydiiya oo  siddee buu Faarax Macalin qareen ugu noqon karaa ilaalinta madaxbannaanida dhulleed, daleed iyo dadd-eed ee Soomaaliya, iyada oo dhulka uu asal ahaan ka soo jeedo laga xukumo Addis Ababa iyo Nairobi, isaguna uu raali ka yahay oo uu waliba xillal muhiima ka qabtay dawladda Kenya? Sow indho-adayg iyo Adyad doqonniimo ah maaha inuu madaxda Qaranka Somaliland shaqada ay ummadooda u qabtaan ku tilmaamo sharci-darro iyo Soomaali diidnimo.

 

 Muxuu isagu Soomaalinimada ugu dhiman waayey ee uu dadkiisa iyo dalkiisa ugu soo dari waayey Soomaaliweyn? Kaasoo kale sow kuma tilmaami karno  La-hayste ku dacwoonaya Qaran xor ah?

Haddaba, qadiyadda JSL maaha arrin ku sallaysan raali-gelin cid shiisheye ah iyo mid sokeeye ahba ee waa go’aan ku taagan rabitaan ummaddeed iyo tallo lagu gaadhay xaqiijin himilo, waanay guulaysanaysaa insha’laahu geeddi kasta ha qaadatee, waxaana  Dawlad iyo shacab inala gudboon midnimo, si-wax-u-wada arag iyo foojignaan marka ay joogto dhaqaajinta hawlaha dannaha Qaranka iyo arrimaha masiiriga ah, waayo? ummad aan towfiiq lahayni talo ma gaadho, haddii ay gaadhana ma taabo geliso, haddii ay taabo gelisana kuma tanaado oo waxay ku tasowdaa markay kala tacab sheegato ee taasi yaanay dhicin reer Somaliland-noow.