Somaliland iyo Itoobiya oo Shaaciyay inay Iska Kaashanayaan Qorsheyaasha Horumarinta

0
118

Addis Ababa, (Dawan)- Wasiirradda Qorshaynta iyo Horumarinta Somalilabd iyo Itoobiya, ayaa ka wada hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen qorsheyaasha iyo baahiyaha labada dal.

Siday baahisay Wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA, waxayna sheegtay in Wasiirka Qorshaynta Qaranka Itoobiya, Fitsum Asefa, in ay qaabishay oo kulan la yeelatay Wasiirka Qorshaynta Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).

Muddadii uu socday kulanka labada Wasiir waxay kaga wada hadleen sida ay u danaynayaan inay labada dal iska kaashadaan qorsheyaasha horumarinta.

Waxa ay labada Wasiir xaqiijiyeen inay isku raaceen sidii ay iskaashi iyo wada sgaqeyn dhow uga yeellan lahaayeen baahiyaha ka jira Somaliland iyo Itoobiya ee waafaqsan qorsgeyaasha guud ee labada waddan.

Warbaahinta Itoobiya ayaa bilowday aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ay warka ay ka qorayaan ku daabacday “Dalka Somaliland”