Golaha Wakiilada JSL oo soo Saaray Qaraar ay ku Cambaareeyeen Dowladda Soomaaliya

0
105

Hargeysa (Dawan) Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saaray qaraar ay ku cambaaraynayaan faro-galinta ay dowlada fadhiidka ah ee Soomaaliya ay ku hayso arrimaha Somaliland.

Golaha ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal madaxbannaan oo xornimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Ingiriiska sannadkii 1960, isla markaana ay heshiisyo la gali karto dalal iyo shirkado shisheeye si waafaqsan dasuurkeeda.

Golaha ayaa si gaar ah uga jawaabay qaraarkii uu baarlamaanka Soomaaliya ku buriyay isfahankii Somaliland iyo Itoobiya, isaga oo uu goluhu sheegay in go’aankoodu aanu waxba ka badali karin isfahamka labada dhinac gaadheen.

Qaraarkan oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Pro. Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa oo uu golaha u akhriyay xoghayaha guud ee golaha wakiillada Garyaqaan Cabdirisaq Siciid ayaa u dhigna sidan.

1 Qodobka koowaad golaha wakiilada Somaliland ugu horgayn waxa uu bulshada Somaliland, beesha caalamka, qaramada midoobay, ururka midawga, Afrika urur Goboleedka Igad iyo dawladaha la saaxiibka ah u cadaynayaa madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland waxaanay intaa raaciyeen in dalka Jamhuuriyadda Somaliland yahay dal madaxbannaan oo leh taariikhda sharci sida ku xusan Dastuurka Somaliland qodobka koowaad farqadiisa koowaad oo dhigaya dalkii maxmiyada ahaa in 26kii juun 1960 gobanimada ka qaatay boqortooyadii midawga Ingiriiska taas oo la odhan jiray maxmiyadda Somaliland kuna biiray Somaliya 1dii julay 1960kii taas oo Somaliland dib uga la soo noqotay gooni isu taageedii go aankii shirkii beelaha Somaliland ee ka qabsoomay Burco ee 27kii April ilaa 15kii may 1991kii waxaanu uu sidaa ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurka Somaliland dal madaxbannaan oo leh xaq iyo karaamada qaran madaxbannaan kuna magacaaban Jamhuuriyadda Somaliland

Qodobka labaad awooda gelista heshiisyada caalamiga ah ee dawlada Somaliland waxa ay xaq u leedahay inay dawladaha kale iyo shirkadaha caalamiga ah a la geli karto heshiisyo Caalami ah oo aan ka hor imanayn danta maslaxada dalka si waafaqasan dastuurka Somaliland iyo shuruucada caalamiga ah

Qodobka 3aad fara gelinta dawlada Somaliya.

Hadaba go aan kasta oo kasoo baxay dawlada Somaliya oo la xidhiidha awooda hay’adaha dastuuriga ah ee Somaliland iyo xilgudashadooda gaar ahaan waxa loogu yeedhay xeerka ku aadan burinta is afgaradka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawlada Itoobiya ee Baarlamaanka Somaliya soo saaray 2dii bishan koowaad sanadka 2024 ka.

Hadaba golaha wakiilada Somaliland waxa uu jimciyada quruumaha ka dhexaysa ururka midawga Afrika urur Goboleedka igad iyo dawladaha la saaxiibka ah u cadaynayaa inay tahay talabadaasi uu qaaday Barlamaanka Somaliya faragelin ka dhan ah madaxbanida Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale na aanu wax saamayn sharci ah ku yeelan doonin Somaliland isla markaana uu ka soo horjeedo mabaadiida caalamiga ah ee lagu jideeyay qaanuunka caalamiga ah ee ilaalinta madaxbanida iyo xurmada dawladaha.

Qodobka 4aad.

Awooda Metelaada shacabka Somaliland.

Golaha wakiilada Somaliland waxa uu u cadaynayaa dawladaha iyo ururada caalamiga ah in Baarlamaanka Somaliland yahay ka keli ah ee Metela ee ay soo doorteen shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Mooshinaka kale ayaa ahaa mid la xidhiidha xilgudashada golaha wakiilada Somaliland sidii uu isla xisaabtan ula samayn lahaa masuuliyiinta kala duwan ee xukuumada Somalilan.

Labadaas mooshin waxa u codeeyay 47 mudane cid diiday iyo cid ka aamustayna ma jirin.