Qodobo Badan oo Dastuurka Khilaafsan Ayaanu Saxnay” Xildhibaan Mustafe X. Daahir

0
99

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Garyaqaaan Mustafe Xaaji Daahir oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadlay qodobada ay wax ka bedalka iyo kaasbista ku sameeyeen Golaha Guurtida ee xeerka isa-saarka Doorashooyinka ee ay ansixiyeen.

Mustafe Xaaji Daahir ayaa waxa uu sheegay in ay wax ka badal iyo kaabis ku sameeyen, isla markaana ay saxeen qodobo ka hir imanaya dastuurka oo khilaafsan oo ku jiray Xeerka Doorashooyinka iyo xeerka Ururada Siyaasada ee lambar 40.

Mustafe Xaaji Daahir oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Qodobka 61aad ee Dastuurku waxa uu awood u siinayaaa Golaha Guurtida in ay wax ka badal iyo kaaabis ku samayn karaan Xeerarka Golaha Wakiilada ka yimaada, waxa aanu saxnay qodobo dastuurka khilaafsan, qodobo aad u farabadan oo dastuurka khilaafsan oo ku jiray Xeerka Doorashooyinka ee 91 iyo xeerka Ururada Siyaasada ee lambar 40 ayaanu saxnay, waxa aanu waafajinay qodobada ka hadlaya xuquuqda Siyaasadeed xeerka Ururada Siyaasada”

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegayay in Xisbiyadda qaranku ay leeyihiin muddo xileedka toban sanno ah oo muwaadiniintu xaq u leeyihiin in lix bilood ka hor ay Ururo Siyaasadeed furtaan, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xisbiyadda qaranku waxay leeyihiin muddo xileedka toban sanno ah, iyada oo muwaadiniintu xaq u leeyihiin in lix bilood ka hor ay Ururo Siyaasadeed furtaan, waxaanu ka dhignay in muwaadiniinta xaq u leeyihiin in toban sanno ka hor in Ururo Siyaasadeed furtaan, qodobada kale ee aanu wax ka badalka iyo kaabista aanu ku samaynay waxa ka mid ah, marka ay dhamaato mudadoodu Ururada Siyaasada iyo Xisbiyadda in ay xaq siman leeyihiin”.