Wasiirka Waxbarashadda JSL oo soo Kormeeray Dugsiyadda Hoose Dhexe ee Caasimadda Hargaysa

0
144

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Dr. Axmed Aadan Buuxane, ayaa soo kormeeray qaar ka mid ah dugsiyadda hoose dhexe ee caasimadda Hargaysa.

Wasiirka waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay maayarka caasimadda Hargaysa, C/kariin Axmed Mooge, iyo xubno ka tirsan agaasime waaxeedyadda wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska ee Somaliland.

Kormeerkan ayay ujeedadiisu ahayd sidii wasaaradda Waxbarashadu ay u soo indho indhayn lahayd dugsiyada hoose dhexe oo ay dawlada hoose gacanta ku haysay sannadkii u danbeeyay.

Sidoo kale u jeedadda kormeerka wasiirka ayaa la xidhiidhay waxyaabaha u qabsoomay intii ay gacanta ku hayeen dugsiyadani dawladda hoose ee Hargaysa.

Waxaana wasiirka iyo masulliyiinta la socday warbixino ka siiyay halka ay wax u marayaan maamulayaasha dugsiyada la kormeeray, kuwaasoo faah-faahiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay dawlada hoose ee Hargaysa gacanta ku haysay dugsiyadooda.

Wasiirka wasaaradda Wabarashada, iyo Sayniska Somaliland Dr. Axmed Aadan Buuxane, ayaa dawlada hoose ee Hargaysa ku amaanay waxqabadka balaadhan ee ay ka qabteen dugsiyada hoose dhexe ee Hargaysa, mudadii sannadka ahayd ee ay gacanta ku hayeen.

Waxaanu wasiir Axmed Buuxane, kula dar-daarmay maayarka Hargaysa, iyo maamulka dugsiyadii ay soo kormeereem in ay halkaa ka sii wadaan dedaalka muuqda ee ay sameeyeen.

Geesta kale, maayarka caasimadda Hargaysa C/kariin Axmed Mooge, oo halkaa ka hadlay ayaa ka waramay waxyaabaha ay ka qabteen dugsiyadda hoose dhexe ee caasimadda Hargaysa, mudada sanadka ah ee ay gacanta ku hayeen dawladaa.

Maayar Mooge, ayaa sheegay in dugsiyadani wax badan laga qabtay mudadii sanadka ah ee ay gacanta ku hayeen, isla markaana uu isbedel weyn oo xagga dhismeyaasha iyo bilicdaba ah ka muuqdo.