Iska Jir Dulmiga Dadka!

0
95

Hooyadii aad ayuu xanaanayn jiray si fiicana wuu uga war hayay, isagoo gabadhiisana aad ugu balamiyay madaama ay gurigiisa kula nooshahay.

Gabadhiisa ayaa iyana si wanaagsan u daryeeliย  jirtay Soddohda ninkeeda dhashay, raashinka si fiican ayay u siin jirtay.ย  Wiilkeeda ayaa maalin ay hooyadii soo jeeday goor duhur usoo galay si uu waraysto baahideeda.

Hooyadii markiiba waxay tidhi โ€œhooyo waxaan u baahanahay Hilibโ€. Ninkii isagoo aad u caddhaysan ayaa ka soo baxay qolka hooyadii oo u yimi gabadhiisa, waxaana uu ku yidhi โ€œ Maxaad hilibka u siin weyday qabyteeda maalin kasta ?โ€.

Gabadhiisa ayaa iyana u sheegtay inay maalin kasta hilibkeeda u geyso, laakiin markii ay isย  tidhaa sii uu shimbir aanay garanayan meel uu ka yimii boobayo hilibkii , xataa haddii ay dabool saarto u khasab kaga qaadayo oo aanay garanayan wax u sheegay.

Ninkii oo yaaban ayaa maalintii danbe sugay gabadhiisa markii ay hilbka siin lahayd ayuu shimbirkii usoo dhowaaday oo hilibkii u boobay oo la tegay isagoo ninkiina arkaya. Yaab. Hooyadii ayuu u galay oo arinka u sheegay. Markiiba hooyadii way waxay bilwoday oohin waxayna xusuusatayย  arin ay samaysan jirtay.

Waxay ku tidhi :โ€ Wiilkaygiiyow kani waa ciqaab waayo anigu islaantii sodohda ii ahayd ayaan qadin jiray hilibkii ay xaqa u lahayd ee Aabaha yidhi sii iyadoo mar kasta I weydiin jirtay, Anigana waa taasi xaqaygii shimbirka lagu saliday. Way ooday wiilkeeduna wuxu u sheegay inay Allah u toobad keento.ย  Weliga xaqa qofka kale leeyahay dulmi iyo xadgudub haku qaadan.