Tabobar ku Saabsan Maamulida Addeega Biyaha oo laga Daah-furay Degmada Sayla

0
110

Sayla (Dawan) Hay’adda maxaliga ah ee Asal ayaa degmada Sayla ee Gobolka Hawd tababar uga furtey guddida maamulidda Adeega Biyaha Degmada Sayla ee gobolkaasi

Tababarkaan ayaa waxaa ka qeabgalay madax ka socoto wasaaradda biyaha JSL iyo guddida maamulidda Adeega Biyaha degaanka Sayla.

Farxaan Xaaji Yuusuf oo ka mid ah masuuliyiinta hay’adda waddaniga Asal ayaa faahfaahin ka bixiyay ahmiyada tababarkan.

Qaarka mid ah guddida maamulida biyaha degmada Sayla ee ka qayb galay tababarka ayaa u mahadceliyay hay’adda Waddaniga ah ee Asal.

Waxaanu yidhi. “Waxa aanu tababarayna guddidi maamulilahayd biyaha degmada Sayla, biyahaasi oo mihiimadooda aynu ognahay, guddidan la doortayna waan hanbalyaynayaa, waxaanan rajeynaya in ILLAAHEY xilkaas ay qaadeen u fudeydiyo, anoo rajjeynaya inay wax badan ku soo kordhiyaan degmada Sayla.

Biyuhu waa nolosha oo waynu kawada dharagsanahay, anaguna intii aanu dadaali karayno ee aanu bulshadayada tababari karayno waanu tababarayna”