UK: Kulan Ballaadhan oo Taageero Loogu Muujiyey Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya Iyo Baaq Laga Soo Saaray

0
170

London (Dawan)- Kulan muhiim, ah oo ay yeesheen qaar ka mid ah dhalinyaro aqoonyahano ah oo degen Magalaada Bristol ee Dalka UK iyo xubin sharciyaqaano ah oo Netherlands, ka yimd ayaa lagu taageeray heshiishka taarikhiga ah ee labada dawladdood ee Somaliland iyo Ethiopia ayaa ku wada gaadheen bilowgii sanadkan 2024 magaalada Addis Ababa, kaasoo ay ku kala saxeexdeen isfaham nuxurkiisu yahay kirada badda 20KM oo kamida Badda Somaliland iyo Aqoonsi Itoobiya ay u fidiso JSL.

Xubnaha kulanka ka qaybgalay Kadib, markii dood dheer iyo falanqayin dheer ay ka yeesheen heshiiskan uu Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi la soo galay dalk aynu jaarka nahay ee Itoobiya, darseen nuxurkii hore u dhaca ahaa ee ( Memorandum of Understanding ) uu xambarsana iyo faa’iidooyinka ugu jira Somaliland, heshiiskan, oo ah in heshiiskan yahay kiro ( Naval base ) iyo isticmaalka dekada Berbera, oo ay Ethiopia kordhiso isticmaalkeegii ay hore u isticmaali jirtay.

Waxay aqoonyahanka is la fahmeen in uu yahay heshiis dano, la is waydaarsaday oo dan u ah labada dhinacba oo ( Mutually Beneficial to both Parties Signed ) iyo in uu yahay ( Successful Partnership) in lagu shiraakoobo dano dhaqaale oo ah heshiiskan macnaha ku jira oo ay ugu wayntahay in ay Somaliland hesho Citiraafkii, ay 32 sano raadinaysay iyo in ay Itoobiya, hesho 20KM bad, ah oo ay uu isticmaasho ciidamadeeda badda kaas ah Kiro oon ahayn wax siin sida dawlada Villa Somalia, ka talisa ee Amisom ilaaliso sheegtay.

Waxay isla garteen, in uu ( MOU ) heshiiskan lagu sheegay yahay ( on lease purpose only ) kiro, waxay Aqoonyahanku isla fahmeen in uu aduunka jiro ugu yaraan ilaa 44 wadan oo ( Landlocked ) oon bad lahayn oo ay wadamadaas badda lahayn ay isticmaalaan wadamo ay jaar yahiin amba ay ka kiiraystaan oo ay tahay heshiis aan Dunida ku cusbayn.

Waxa kale, oo ay Aqoonyahanku, isla fahmeen in uu aduunka jiro ( International Law ) United Nations Charte) kiisa waxa ku jira in ay mabnuuc ka tahay in uu wadan wadan kale dhulkiisa amba badiisa ku qaato xoog xitaa aanu uu hanjabi karin haddii ay dhacdo uu wajihi karo cunaqabatayn dhaqaale oo dhinac walba leh, tana waxay meesha ka saaraysa sheegashada ah in Itoobiya, dhulka qaadan karto mustaqbalka iyo hadalada ka soo yeedha dawlada Villa Somalia, ee qiil uga dhigaysa badbaa laa qaadanayaa.

Waxa kale oo ay isla fahmeen in heshiiskan uu yahay sidan hoose:

Waa fursad qaranka Somaliland, uu soo kordhay oo faa’iido badan ugu jirto oo ay ugu horayso aqoonsi buuxa oo aad ka heshaan heshiiskan iyo in aad u hiiliso dalkaaga 32 sano raadinayey aqoonsi oo ku biiri doona bulshada caalamka adigoo u hiilinaya mustaqbalka dalka iyo dadkaba.

Waxa kale oo lagu falanqeeyey kulankan Dawlada Villa Somalia ka talisa ee Amisom ilaaliso maxaa ka khuseeya heshiiskan.

Somaliland, waa dal ka madax banaan Somalia oo markii hore midnimo dhinaca Somaliland ka timid ku timid kadib ka goday Somalia, 1991 mar labaad oo intaas oo dhan ka maqnayd Somalia.

Waa dal leh, dhamaan shuruucdiisa oo dhamaystiran, dawlad iyo dhamaan hayadihii dawliga ahaa oo dhan, calankiisi, dasduur,lacag gaar u ah iyo wax kasta oo dawlad laga rabo.

Waxa aqoonyahanku hoosta ka xariiqeen in Somalia aanay lahayn dasduur waayo dal baa ka baxay waxooguna yahay (Temporary Draft ) aanay Somaliland qayib ka ahayn xitaa Puntland oo maamul ka mid ah ay diiday (Draft kaas).

Sidaa awgeed, waxay Aqoonyahanku isla garteen in dhawaaqa Villa Somalia ka soo baxaya yahay hal bacaad lagu lisay oo ay tahay gardaro qaawan oo ay ku soo qaadeen Dawlada Somaliland.

Baaqa ay soo jeedinayaan aqoonyahankan, wuxu yahay in ay bulshada reer Somaliland soo dhaweeyaan heshiiskan taarikhiga, ah ee uu horseedaya in ay ku biiran wadamada caalamka una keeni doona dhaqaale iyo mustaqbalka ubudkiina oo noqda dad ka mid ah bulshada caalamka.

Talada ay u soo jeediyeen xisbiyada mucaarudka, wuxu yahay in ay taageeraan heshiiskan si ay hadhaw u xukumaan dal la aqoonsanyahay oo bulshada caalamka ka mid ah, oo ay nasiib u yeeshaan in ay yagu xukumaan dal ka mid ah bulshada caalamka oo dhaqaale leh.

Talada guud ee ay soo jeediyeen, oo ah in dalka loo midoobo lana diido ninka xamar ka soo qaylinaya een ogolayn in aad noolaato oo wax ku soo kordhaan.

Bal xasuusta heshiiskii Berbera sida ay uga soo horjeesteen iyo halka ay maanta Berbara marayso kana waa horumarkii ay ku diidanayeen kan iyo kuwii hore ee badana ee mawadin u hiili mustaqbalka ubudkiina iyo dalkiin.

Ilaahay ayaa mahad oo dhan leh.

Guul Somaliland