“Heshiiskani Wuxuu Farxad u Yahay Labada Dhinac iyo Waddamada Jaarka…” Afhayeenka Guud ee Diimaha Dalka Itoobiya

0
163

Adis Ababa (Dawan) Afhayeenka guud ee Diimaha dalka Itoobiya Mudane Tiguhan Kesis Tagay Tadele, ayaa sheegay in bulshaweynta Itoobiya oo dhan faa’ido u tahay helida Irid Baddeed, isla markaana ay taageeraan heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Itoobiya oo ah dalka ay ku nool yihiin boqol iyo labatan milyen oo qof, taasi 30 sano bad la’aan ahayd, intaasi oo dhan waxa ay Itoobiya raadinaysay Irid-badeed si ay ugala soo degto alaabaha kala duwan ee adduunyada uga imanaya ama ay u dhoofinayso.

Isbeddel kadib dowladda Itoobiya waxa ay xooga saartay inay wada hadal la gasho dalalka jaarka, ugu danbayna waxay heshiis is-afgarada la gashay Somaliland, waxaanu sidan ku sheegay uu siiyay warbaahinta dowladda Itoobiya.

Afhayeenka guud ee ururka Diimaha dalka Itoobiya Tiguhan Kesis Tagay Tadele sheegay in dhammaan ururada Diimaha dalka ka jira ay taageersan yihiin heshiiska Is-af-garadka ah ee Dowladda Itoobiya la gashay Somaliland.

Waxaanu yidhi. “Heshiiska Itoobiya ee helida Irida-badda waa arrin aad noo faraxgelinaysa, Itoobiya uun maaha dhammaan shacabka Somaliland ayay farxad u tahay, anagana farxad ayay noo tahay, inay baddooda nasiiyaan si aanu u maalgashano, iyaguna xaggayaga uga helaan maalgashi, la mid ah midaas oo kale, isdhaafka khayraadka labada dhinac waa wax aad u fiican, anaga oo og in heshiiska noocan oo kale ah uu guud ahaan caalamka ka dhaco ama ka jiro, farxad ayay noo tahay in Itoobiya ka faa’idaysato fursada heshiiskan.

Heshiiskani waxa uu la mid yahay anigana waxa iga dhiman ii buuxi aniguna aan ku buuxiyo, waxa ka dhiman, haddii aanu nahay ururka Diimaha dalka waxa aanu aaminsanahay heshiiskani in uu yahay mid faa’ido u leh labada dhinac.

Heshiiskani maaha mid waxyeelanayna labada dhinac iyo dalalka jaarka, waa mid horumar iyo xidhiidh wanaagsan la sameynaya dalalka jaarka, dalalka jaarkuna waa inay eegaan in Itoobiya tahay dal weyn oo 120 milyen oo qof ku nool yihiin, sidaasi darteedna dadka intaasi le’egi u baahan yihiin, haddii aanu Itoobiya nahay cid aanu dhib ku nahay majirto, waxaan rabno ayaa ah in aan kala faa’idaysano helida Irida-badeed waxay la mid tahay anaga oo ka faa’idaysanay khayraadka waddan kale, sidoo kale in ay ka faa’idaystaan shirkadaha waa weyn ee aanu leenahay, si labada dalba horumar u gaadhaan”

Madaxa ururka Diimaha Tiguhan Kesis Tagay Tadele ayaa sheegay in heshiiskan lala galay Somaliland iyo xidhiidhka diblamaasiyadeed ee Itoobiya samaysay ay tahay mid aad loogu baahna.

Waxaanu yidhi. “Marka koobaad jidka diblamaasiyadeed in uu kor u kacay ayuu ina tusaya heshiiskani, waxaan aragna guulaha diblamaasiyadeed in wadanku kor u kac ka sameynayo anagana waa mid na faraxgelinaya, imika arintan darteed maaha in lagu tilmaamo diblamaasi xumo inay sameysay, sidaasi darteed bulshada Itoobiya waa inay siwada jira u taageeraan heshiiskan Is-af-garad ee Itoobiya Somaliland wada galeen, Itoobiyaanku waa inay heshiiskan ama fikirkan garab istaagaan, si horumar loo gaadho, dowladdana ay garabsiiyaan bulshadu si labada dhinacba horumar waara looga gaadho”