The Arab Weekly oo Warbixin ka Qoray Xeelada Sareysa ee JSL u Martay Tubta ay Ku Hananayso Aqoonsigeedii ugu Horreeyay

0
140

Hargeysa (Dawan)- Warsidaha The Arab Weekly oo ka soo baxa Jasiiradda Carabta ayaa sheegay in Somaliland ay wakhtigan u muuqato mid u qalanta Madax-bannaanideeda, sidoo kale waxa uu ku tilmaamay Jamhuuriyad xasiloon oo ku taalla goob istiraatiiji ah (Badda Cas), isla markaana si weyn u danaynaysa in ay door weyn oo muhiim ah ku yeelato Mandaqada Geeska Afrika iyo Dunida inteeda kale ba.

Warbixintan oo uu warsiduhu daabacay Salaasadii todobaadkan, waxa kale oo ay sheegtay in xidhiidhka iyo heshiiska is-fahan ee ay Jamhuuriyadda Somaliland la yeelatay dalka Itoobiya oo hodan ku ah beeraha, biyaha iyo dhaqaalaha iyo waliba hantida maalgashi ee dawladda Imaaraadka Carabta ee mandaqaddu uu wax weyn ka bedeli karo wejiga iyo hannaanka siyaasadeed ee gobolka.

Waxa kale oo ay warbixintu iftiimisay in dawladda Itoobiya ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee dabada ka riixaya Ictiraafka madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kalena heshiiska is-afgarad ee ay kala saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland uu yahay tallaabo hordhac u ah horumarka dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo dhinacyo badan leh.

“Itoobiya waa dal muhiim ah oo wax badan ka tari kara Jamhuuriyadda Somaliland. Halka dalal ay ka mid yihiin Masar iyo Suudaan ay ku mashquulsanaayeen dhibaatooyin siyaasadeed, Itoobiya waxay ku hawlanayd dib u dhis siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Ololahan dhismaha oo horumar baaxad leh laga sameeyay intii uu xilka hayay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ayaa soo jiitay indhaha qaar ka mid ah dadka Khaliijka Carabta, gaar ahaan Imaaraadka Carabta.

Imaaraadku wuxuu Soomaaliya kula tartamay Turkiga iyo Qatar, ka dibna waxay ku qanceen in Soomaaliya ay tahay gobol ay ka jirto xasillooni darro oo aan u qalmin in la maalgashado. Waxay u soo jeesatay dhinaca Itoobiya iyadoo sii maraysa Somaliland. Waxa uu ku bilaabmay qandaraaska horumarinta dekedda Berbera, waxaanu isu beddelay mashruuc ballaadhan oo ka bilaabmay xeebaha gacanka Cadmeed iyo Badda Carabta, ilaa dhulka beeralayda ah ee Itoobiya,” ayaa lagu yidhi warbixinta uu daabacay Warsidaha The Arab Weekly.

Warbixintu waxa kale oo ay intaasi raacisay “Diidmada ka soo yeedhay maamullada Soomaaliya, Xukuumadeeda iyo Hogaamiye kooxeedyada ka jira, waxay noqon doonaan kuwo dhegaha laga furaysto Hargeysa ama Berbera. Haddii ay jiraan wax mudan in la sheego, waxaa mudan in la sheego oo laga hadlo madax-bannaanida Somaliland ee ilaa 1991-kii iyo xitaa laga soo bilaabo xornimadii Somaliland ee 1960-kii.

Haddii ay jiraan fursado kale, Addis Ababa way raadsan lahayd. Ma jiraa qof miyir qaba oo maanta Soomaaliya maalgashan lahaa? Ma la aamini karaa qof la mid ah madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki?

Xornimada ka dib, Itoobiya ma la tartami kartaa saldhiga Faransiiska ee Jabuuti?”

Waxa kale oo ay warbixintani tilmaantay in arrinta qadiyadda Somaliland ay ku filantahay in dib loo eego soddonkii sannadood ee la soo dhaafay, sidoo kalena ay qaddiyadda Somaliland la mid tahay kuwii Yugoslavia, Czechoslovakia iyo Koonfurta Suudaan, waxaana lagu yidhi sidan “Qadiyadda Somaliland way ku filan tahay in la eego wixii laga dhaxlay soddonkii sanno ee la soo dhaafay. Waddamo badan oo leh astaamaha Somaliland ayaa la asaasay ilaa sagaashameeyadii. Haddaba Soomaaliya oo ah dal ku doodaya midnimo miyay ka muhiimsan tahay Midowgii Soofiyeeti oo ahaa midawgii Ruushka ee Yurub iyo Aasiya? Mise waxay ka muhiimsan tahay Yugoslavia ama Czechoslovakia (Yurub?) sidoo kale Soomaaliya miyay ka muhiimsan tahay Suudaan oo noqotay laba dal markii wada-noolaanshihii la waayay? Ka warran Eritrea oo Itoobiya ka go’day?.”