Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Talyaaniga oo Maxkamad loo Saarayo Muhaajiriin Dartood

0
98

 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa Jimcaha maanta ah sheegay inuu u dhaqaaqay inuu “difaaco” dalkiisa, xilli uu isku diyaarinayay inuu marqaati ka furo dacwad la xidhiidhta go’aankii 2019-kii ee uu kaga horjoogsaday markab sida muhaajiriin ah inuu soo dejiyo.

Salvini oo madax ka ah xisbiga midigta fog ee Lega, islamarkaana saaxiib la ah xulufada ra’iisul wasaaraha iminka Giorgia Meloni, ayaa si xooggan u beeniyey eedaha ku saabsan xorriyad qaadista iyo ku takri-fal awoodeed oo la xidhiidha dhacdadii 2019, markaasi oo uu ka tirsanaa dowlad kale.

Waxaa tan iyo October 2021 lagu maxkamadeynayey magaalada Palermo ee gobolka Sicily, isaga oo ku eedeysan inuu xilkiisa waqtigaas ee wasiirka arrimaha gudaha u adeegsaday inuu 147 muhaajiriin ku xabiso badda, isaga oo diiday in markabka “Open Arms” ee gargaarka uu dejiyo.

Waxa uu wajahayaa ugu badnaan 15 sano oo xabsi ah, haddii dambiga lagu helo.

Isaga oo saaka yimid maxkamadda, ayaa Salvini wuxuu baraha bulshada kusoo qoray inuu marqaati furi doona “aniga oo qabkaygu sarreeyo, kuna faraxsan wixii aan sameeyey.”

Waxa uu yidhi “waxaan difaacay amniga iyo xuduudaha dalkayga.”

Salvini oo ah siyaasi mayal adag oo lagu yaqaano siyaasaddiida “Marka hore Talyaaniga,” ayaa marar badan u isticmaalay weerarada ka dhanka ah muhaajiriinta sharci-darrada ah inuu ku xoojiyo taageeradiisa siyaasadeed.

Sanadii 2019, isaga oo ka tirsan dowladdiisa isbaheysiga ee ra’iisul wasaare Giuseppe Conte, ayuu fuliyey siyaasadda “dekado xiran,” taasi oo Talyaanigu ku diiday inay dalka kusoo xirtaan maraakiibta sida muhaajiriinta badda laga soo badbaadiyo ee ka yimaada Afrika.

Salvini ayaa sheegay inuu ilaalinayey Talyaaniga markii uu hirgeliyey xeerkaas amni, oo uu ku sheegay tallaabo adag oo ka dhan ah dadka soo tahriibiya muhaajiriinta kasoo baxa Waqooyiga Afrika.

Salvini oo 50 jir ah ayaa sheegay in go’aanka lagu hor-istaagay markabka ay maamusho hay’adda Spain ee Open Arms ay isku raacday dowladda, oo uu jiro Conte.

Maxkamadeynta Jimcaha maanta ayaa ah markii ugu horreysay ee Salvini uu horyimaado maxkamadda, oo uu ku macneeyey mid siyaasad ay ka dambeyso.