Waxyaabaha laga Filan karo Wajiga Koobaad ee Kiiska ay Koonfur Afrika Maxkmadda kula Tiigsatay Israa’iil

0
123

Waa kiiskii qarniga oo hor yaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, qareennada Koonfur Afrika, iyo kuwa matalaya Israa’iil, ayaa doodi ku dhexmaraysaa Maxkamada taas oo ah mid aduunka oo dhan ay fiirinayaan.  Israa’iil miyay xasuuq u geysanaysaa dadka reer Falastiin ee ku nool Qaza? Koonfur Afrika ayaa sheegtay in waxa ka socda dhulka reer Falastiin ay dhab ahaantii tahay xasuuq, sidaas darteed ay dacwad u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee Hague bishii Dember 29, 2023 kii.

Laakiin ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisu uu ku dhaqmayo “anshax aan horey loo arkin inta lagu guda jiro ololaha millatari ee uu ka wado gudaha Qasa, halka afhayeen u hadlay dowladda Israa’iil uu la barbar dhigay kiiska Koonfur Afrika mid “been abuur dil”.

Maxaa ku jira faylka Koonfur Afrika ee Maxkamadda loo gudbiyay

Guddoomiyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda iyo Garsoorayaasha kale ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, ka hor inta aan la dhegeysan dacwadda Xasuuqa ee ka dhanka ah Israa’iil iyo koonfur Afrika. Koonfur Afrika ayaa gudbisay dacwad sharci ah oo ka kooban 84 bog, iyadoo sheegtay in ficillada Israa’iil “ay xambaarsan yihiin xasuuq sababtoo ah waxay doonayaan inay burburiyaan qayb muhiim ah” oo ka mid ah Falastiiniyiinta Gaza.

Sida laga soo xigtay doodaha lagu soo bandhigay kiiska waxaa ka mid ah eedeymaha dilka Falastiiniyiinta, dhaawac halis ah oo jireed iyo mid maskaxeed, iyo in si ula kac ah in loo abuurayo xaalado loogu talagalay “in lagu gaysto dhibaato ku talgal ah.

Juliet McIntyre oo sharciga ka dhigta jaamacadda South Australia ayaa sheegtay in faylka Koonfur Afrika uu yahay “mid aad u dhammaystiran” oo “loo diyaariyey si taxadar leh”. Waxay intaas ku dartay wareysi ay siisay BBC-da in feylka”uu ka jawaabayo dood kasta oo suurtagal ah oo ka imaan karta Israa’iil iyo in laga hadlo sheegasho kasta oo su’aal ka keeni karta awoodda maxkamadda ee kiiska la xariirta.

Koonfur Afrika ayaa ku dhawaaqday kooxda qareenada ah ee ku matali doona dalkeeda oo isugu jira qareeno iyo khubaro dhanka sharciga ah oo uu hogaaminayo John Duggar oo ah qareen isla markaana ka mid ah khubarada sharciga caalamiga ah ee ugu caansan dalkaas, wuxuuna ahaa wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan falastiiniyiinta oohoray garsoore uga soo noqday Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda.

Maxay ahayd jawaabta Israa’iil?

Afhayeenka xukuumadda Israa’iil Elon Levy ayaa sheegay in Israa’iil ay iska difaaci doonto kiiskan, waxa kale oo uu intaa ku daray in Xamaas ay si buuxda uga masuula tahay oo dagaalka iyadu bilowday. Ilaa hadda, kooxda difaaca ee Israa’iil waxaa laga yaqaana Malcolm Shaw, oo ah qareen Ingiriis ah iyo aqoonyahan, kaas oo hore u ahaa lataliye sharci oo Israa’iil ah oo wakiil ka ahaa dalal dhowr ah.

Diala Shehadeh, oo u dhalatay dalka Lubnaan oo hore u ahaan jirtay qareen ka tirsan maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, ayaa tidhi, “Israa’iil waxay go’aansatay inay hor tagto maxkamadda, sababtoo ah waxay saxiixday axdiga xasuuqa ee Qaramada Midoobay soo saartay 1948-kii, sidaas darteed ma iska indho tidhi karto kiiska.

Waa maxay qeexida xasuuqa?

Sida uu dhigayo heshiiska ka hortagga iyo ciqaabta dembiga xasuuqa, ee ay Qaramada Midoobay soo saartay 1948-kii, xasuuqa macnihiisu waxa weeye samaynta falal la doonayo in lagu burburiyo, gebi ahaan ama qayb ahaan, qaran, qowmiyad, isir ama koox diimeed. sida ku cad axdiga qarmada midoobay falalkaan hoose midkooda ayaa lagu qeexaa xasuuq.

– Dilka xubnaha koox gaar ah.

– U keenida dhaawac halis ah oo jireed ama maskaxeed xubnaha koxdaas gaarka ah.

– Soo rogida tallaabooyin looga hortagayo dhalashada carruurta ee kooxdaas gaarka ah.

– In si qasab ah carruurta looga wareejiyo caruurtooda loona wareejiyo koox kale.

Diala Shehadeh ayaa tidhi, “Waxaa ka muhiimsan in la caddeeyo xasuuqa ayaa ah in la qeexo ujeedka loo sameynayo marka horaba, taasina waxaa ay ku jirtaa faylka Koonfur Afrika, iyada oo la dhagaysanayo khudbadaha dadweynaha iyo mas’uuliyiinta Israa’iil ee ku baaqaya in la tirtiro Qasa oo la laayo Falastiiniyiinta.

“Marka la eego heshiiska caalamiga ah, xasuuqa macnihiisu maaha oo kaliya falalka dil oo kali ah,” ayay sii raacisa.

Dowladda mise shaqsiyaad ayaa lagu eedeeyay xasuuq?

Intii lagu guda jiray kalfadhiga xukunka ee dacwadda Gambia ay ka gudbisay Myanmar 2020 Sida ku cad Heshiiskii 1948, “dadka geystay xasuuqa, ha ahaadeen kuwa dowladda matal, saraakiisha dawladda ama shakhsiyaadka, waa in loo ciqaabaa.”

Dowladda iyo shaqsiyaadka labadaba waxaa lagu eedeyn karaa inay geysteen xasuuq. “Waxaa jira farqi u dhexeeya in dawlad lagu xukumo ku xad-gudbida Axdiga Xasuuqa, iyo marka la barbar dhigo qof lagu xukumo inuu geystay xasuuq,” ayuu yir Michael Baker, oo ah ku xigeenka sharciga Trinity College Dublin.

Waa maxay doorka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda?

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa ah maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay, waxaana howsheedu ay tahay inay go’aan ka gaarto murannada u dhexeeya dalalka. Dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay waxay si toos ah xubin uga noqonayaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.

Waddan kasta ayaa dacwad horgeyn kara maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, taasoo ka kooban 15 garsoore oo ay soo doorteen golaha guud ee Qaramada Midoobay iyo golaha ammaanka muddo sagaal sano ah. Waxaa ka mid ah awoodda maxkamadda in ay tixgeliso khilaafyada la xidhiidha Heshiiskii Xasuuqa ee 1948-kii.

Ka dib markii lix milyan oo Yuhuud ah ay Naasiyiintu ku dileen Yurub intii lagu jiray dagaalkii labaad ee aduunka intii u dhaxaysay 1939 iyo 1945, hogaamiyayaasha caalamku waxay doonayeen inay ka fogaadaan soo noqnoqashada iyagoo qaatay heshiiskan. Waxaa xusid mudan in Israa’iil, Koonfur Afrika, Myanmar, Ruushka iyo Mareykanka ay ka mid yihiin 153-ka waddan ee ansixiyay.

Yaa hore loogu xukumay xasuuq?

Shaqsigii ugu horeeyey ee lagu xukumo xasuuqa waxa uu ahaa duqii hore Jean-Paul Akayesu ee Rwanda sanadkii 1998 ka hor inta aan la horgeyn maxkamada caalamiga ah ee ay qaramada midoobey u qaabilsanayda Rwanda doorki uu ka qaatey dilkii balaarnaa ee 1994 kii ee Tutsiga loo gaysatay xilligaas oo la dilay 800,000. Sannadkii 2017kii, maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee Yugoslavia waxay ku xukuntay hoggaamiyihii hore ee Serbiyiinta Bosnia Ratko Mladic xasuuqii Srebrenica ee 1995-kii oo askartiisu ay ku dileen 8,000 oo rag muslimiin ah.

Laakiin Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa diiday sheegashada Bosnia ee ah in Serbia, ay si toos ah xasuuq uga geysatay Srebrenica. Taas beddelkeeda, maxkamaddu waxay ogaatay in Serbia ay ku guul-darraysatay inay ka hortagto xasuuq uu gaysatay Jeneraal sare oo ka tirsan. Michael Baker, oo qoraa sharci ka ahaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, ayaa sheegay in maxkamaddu ay dejiso heerar sare oo lagu caddeeyo “ujeeddada xasuuqa”

Goorma ayaan filan karnaa xukunka ugu dambeeya?

“Waa goor hore in laga hadlo xukun, sababtoo ah nidaam kasta oo maxkamad cadaalad ah, ha ahaato mid heer qaran ah ama mid caalami ah, xuquuqda difaaca iyo baaritaanka caddaynta waa la dammaanad qaadayaa, taasina waxay u baahan tahay wakhti, laga yaabee sannad ama laba sano, laakiin garsoorayaasha waxa laga yaabaa inay degdegaan oo go’aan ka gaaraan arrintan.” ayay tidhi Diala Shehadeh

Sida ay qabto Shehadeh, hadii kiiska uu u baahado baaris dheeri ah in ay suurtagal ah in lasoo saaro xukun lagu cambaaraynayo Israa’iil oo ah ku xad-gudbista Axdiga Caalamiga ah ee Ka hortagga iyo Ciqaabta Xasuuqa oo horey ay u saxiixaday.

“Haddii xadgudubka lagu caddeeyo, maxkamaddu waxay awood u leedahay in ay tixgeliso dacwadda dadka ka mas’uulka ah dambiyada ka dhaca dhulka Falastiin, sidaas darteed waxay noqon doontaa in la maxkamadeeyo shakhsiyaadka Israel masuulka ka ah laguna xukumo dawladda Israa’iil in ay xasuuq geysteen.