Khabiir Maraykanka u soo Jeediyay In uu Aqoonsado Somaliland Isla Daqiiqada ay Itoobiya Ictiraafto

0
142

Mr. Micheal Rubin: “Maraykanku waa inuu Somaliland aqoonsado daqiiqado gudahood marka ay Itoobiya Ictiraafto

Hargeysa (Dawan)- Khabiir Michael Rubin oo ah xeel dheere axadha siyaasadda iyo Ammaanka, ayaa ugu baaqay dalkiisa Maraykanka inuu Jamhuuriyadda Somaliland aqoonsado daqiiqado gudahood marka ay Itoobiya shaaciso ictiraafka Somaliland.

Micheal Rubin wuxuu sheegay in Somaliland oo ah dal dimuqraadi ahi uu muddo dheer sugayeen aqoonsi caalami ah.

Wuxuu intaas ku daray in JSL ay gaarkeeda isku xukumaysay in ka badan muddadii ay ka tirsanayd Soomaaliya. Waxa kaloo uu tilmaamay in jiilka u kacay Somaliland ay indhaha ku kala qaadeen oo ay ku kacaameen dimuqraadiyad taabogal ah iyo suuqa xorta ah.

Mr. Rubin wuxuu ka warramay inay Somaliland martigeliso diblomaasiyiin ka socda Afrika iyo Yurub, iyadoo Somaliland sannadkii 2020kii ay noqotay dalka kaliya ee labaad ee Afrikaan ah ee ku gacan saydha Shiinaha, isla markaana xidhiidh la yeeshay Taiwan.

Micheal Rubin wuxuu ka warramay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo xilli hore oo bishan ah ruxay mandaqada gobolka ka dib, markii uu isfaham kadin baddeed kiro ah oo ay ka sameystaan saldhig baddeed la galay JSL, kaasi oo Somaliland dhaafsatay aqoonsiga madaxbannaanideeda.

“Dalal badan oo kale ayaa hore u sheegay in aanay noqonayn dalka u horreeya ee aqoonsada Somaliland, balse aanay ku dhacayn Ka saddexaad ee ay ku xigi doonaan dalka u horreeya ee aqoonsada,” ayuu ku yidhi Micheal Rubin qoraal dheer oo uu ku daabacay Wargeyska The Washington Examiner.

Waxa kaloo uu baaq u jeediyay Dawladda Maraykanka, waxaannu yidhi “Maraykanku waa inuu aqoonsadaa Somaliland daqiiqado gudahood markay ictiraafto Itoobiya. Haddii Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanku ay diyaaradeeda qumaatiga u kaca iyo Bell Boeing V-22 Ospreys ay geyso Berbera waxay ciidanka baddu noqon doonaa mid xasiloon oo haysta xoriyad iyadoo diyaaradaha Maraykankuna ay si fudud u roondeyn karaan badda. Waxa diyaaradaha Maraykaku geyn karaan madaarka Berbera shan kun oo askari.”

Mr. Rubin wuxuu sheegay in la joogo xiligii aqalka cad iyo Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanku ay sida xalku ku jiro wax ula qabsan lahaayeen Somaliland.