“Siyaasiyiinta Xamar oo Qudha Ayaa Qaylinaya, Waxay ina Leeyihiin Jiri Maysaane” Wasiirka Warfaafinta

0
150

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya oo caddaystay cadaawadda iyo colaada uu Somaliland u hayo.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu galay khaladaad sharci, oo aanu garanayn meel uu la tagayo, waxaanu faray in wixii uu la gole-tagayo uu ka fikiro ka hor intaanu odhan, ka hor inta aanu ka qayb galin shirka IGAD.

Wasiirku waxa uu madaxweynaha Soomaaliya ku waaniyay in uu bulshada Soomaaliyeed ka daayo khalkhalgelinta, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi Waxaanu yidhi.“Madaxweynaha Soomaaliya khaladweyn oo sharci ayuu galay, marka aad meel aad marayso is-garanwaydo hadalku waa kaa tagtagaya.

Shirba IGAD baa dhacaya ayuu yidhe’, bal waxa uu la gole-tagayo ha is-waydiiyo isagaa ayaa gartii sii qaade, Soomaalidiina gartii ayuu ku naqay, waxaanu yidhi ‘xuduud anaga iyo Itoobiya noo dhaxaysa oo sharci ahi ma jirto, arrintaasi waa khalad sharci.”

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland waxa uu intaasi ku daray “Madaxweyneyaasha khudbadaha noocaas oo kale ahi waa rasmi, inaga ayaa sharciga u dhigi jirnay waagi hore, imikana waa kuwaas leh Soomaaliya xuduud ba ma leh, dhinac marka laga eego waxbaa ka jira, oo Somaliland xuduudeeda waa la xadiday, waana la calaamadiyay intii gumeystuhu joogeen, balse inta iyaga iyo Itoobiya u dhaxaysa kolba meel baa loo raray, tuu ka hadlayaa markaa waa taas, Itoobiya isaga ayaa isku soo hoggaaminaya, Soomaalidiina Khalkhal ayuu ku furay, markaa waxaan leeyahay intiinaasi idinku filane haydin qaado. Waxa kale oo aan leeyahay bal hadalkaa hadal uga noqda haddii ALLE yidhaahdo”

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) waxa kale oo uu sheegay in siyaasiyiinta Xamar ee qaylinayaa waxay leeyihiin jiri-maysaan, isaga oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Siyaasiyiinta Xamar oo qudha ayaa qaylinaya, waxay ina leeyihiin jirimaysaane Yoobsan tii Xamar ee aad istubi jirteen kaalaya. Wixiiba waxa ay ku soo ururtay oo la isku haystaa aan jiro iyo aan ku xukumo.”