Maayarrada iyo Maayar ku Xigeennada Magaalooyinka Burco iyo Oodweyne oo si Rasmi ah ugu Biiray Kulmiye

0
191

Hargeysa (Dawan) Maayarka Magaalada Burco Maxamed Xirsi Axmed (Maxamed Case) iyo Maayar ku xigeenka Magaalada Burco Suldaan Nuux Jaamac iyo sidoo kale Maayarka Magaalada Oodweyne Ibraahim Qaasaali Rooble iyo Maayar ku xigeenkiisa Maxamuud Macalin iyo dhamaan Xildhibaanadii Golaha Deegaanka ee Oodweyne ayaa si rasmiya ugu biiray Xisbiga Kulmiye.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiye ku Xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdidheere, Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar iyo Wasiir Siciid Sulub Maxamed ayaa shalay ku soo dhaweeyay xarunta xisbiga Kulmiye ee Magaalada Hargeysa Maayarrada iyo Maayar-ku-xigeennada degmooyinka Burco iyo Oodweyne ee caasimadaha Gobollada Togdheer iyo Daad-madheedh iyo xildhibaannada golaha Deegaanka Oodweyne oo dhammaantood ku soo biiray xisbiga KULMIYE.

Sidoo kale Maayarrada iyo Maayar-ku-xigeennada Burco iyo Oodweyne ee ku soo biiray Xisbiga Kulmiye ayaa ka soo kala baxay Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo UCID.