Wasiirka Diinta JSL oo Kulan la Qaatay Ardayda Wax ka Barata Jaamacadaha Islaamiga ah ee Madiina

0
80

Madina (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa kulan dhiiri-gelin iyo is-xogwaraysi ah la qaatay Ardayda reer Somaliland ee wax ka barata Jaamacadaha Magaalada Madiina ,waxana Wasiirku ardayda ku dhiiri-geliyey Culuumta Diiniga ah ee ay barayaan isagoona ku bogaadiyey in Culuumta diiniga ah ee ay baranayaan marka ay dhamaystaan ay bulshadoodi uga faa’ideyaan .

Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata ayaa ardayda ugu baaqay in ay Hamigooda kor u qaadaan sidoo kalena tacab badan geliyaan faafinta iyo Fidinta Diinta Islaamka .

Dhinocooda waxa iyana munaasibadaas ka hadlay Ardayda reer Somaliland ee wax ka barata jaamacadaha Islaamiga ah ee Magaalada Madiina iyagoona Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland uga mahad-naqay Kulanka uu ku qaabilay sidoo kalena ay qaateen Dar-daaranka iyo Dhiri-gelinta uu Wasiirku u Jeediyey Ardayda .

Wasiirka waxa kulanka ku wehelinayey Agaasimaha Waaxda Xajka iyo Cumrada ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xasan Xaaji Yuusuf Abu-layla .