“Somaliland Waxay Isticmaashaa Tamar Dhan 150 KW 16% oo ka Yimaada Sollar-ta iyo Dabaysha…” Wasiirka Deegaanka JSL

0
219

Tamarta Cad-ceedda, ee Habeen, iyo Maalin ba inoo taagan, ganacsatadda waaweyn, iyo shirkadaha Korontadda ina siiyaa, waa in ay maalgeliyaan 150 Killo Watt, ee ay Somaliland sanadkii isticmaasho, 16% ayaa ka yimaada Sollar, iyo Dabaysha.

Hamarta laga isticmaalo Somaliland ayaa la tilmaamaa in ay tahay 150 KW, sanadkiiba.

Taasoo noqonaysa in 84% ka mid ay ka timaado Dabka laga dhaliyo Korontadda, halka 16% ka kale laga dhaliyo tamarta Qoraxda, iyo Dabaysha.

Waxaanu qorshuhu yahay la kordhiyo sanadka danbe, iyadoona la samayno deraasad lagu ogaanayo heerka korodhka ee Korontadda laga dhaliyo Qoraxda, iyo Dabaysha.

Sida ay sheegtay wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo hadal ka jeedisay xidhitaankii shirweynaha heer qaran ee isbedelka cimiladda Somaliland oo muddo laba maalmood ah ka socday magaaladda Hargaysa.

Shirweynahaasi oo noqonaya kii labaad ee noociisa ah oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda waxaa furay madaxweyne ku-xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici).

Hadaba, qormadedna todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa khudbadii wasiirka Deegaanka JSL la jeedisay xidhitaanka shirweynahaasi.

Wasiir Shukri Baandare, ayaa ganacsatadda waaweyn, iyo shirkadaha leh wershadaha korontadda waxay ugu baaqday in ay maalgeliyaan tamarta laga dhaliyo Qoraxda, iyo Dabaysha, taasoo ka qayb qaadanaysa yaraynta Dikhawga Hawadda lagu sii daayo.

Waxaanay tidhi “Tamarta Cad-ceedda, ee Habeen, iyo Maalin ba inoo taagan, ganacsatadda waaweyn, iyo shirkadaha Korontadda ina siiyaa, waa in ay maalgeliyaan 150 Killo Watt, ee ay Somaliland sanadkii isticmaasho, 16% ayaa ka yimaada Sollar, iyo Dabaysha.

Waa in aynu kordhino sanadka danbe, oo aynu ogaano in Deraasadaasi aynu samaynay in aynu kor u soo qaadno, oo halka aynu maanta ka isticmaalno kor uga sii qaadno.

Waayo? Haddii aynu tamarta Qoraxda, iyo Dabaysha isticmaalno, yaraynta dikhawga Hawadda lagu sii daayo wax badan baynu ka gaysan karnaa”.

Waxa kaloo ay sheegtay wasiirku in ay ka wasaarad ahaan, iyo xukuumad ahaanba dedaalayaan, balse ay bulshadda iyo ganacsatadda uga baahan yihiin in ay la shaqeeyaan.

Shukri Baandare, ayaa tilmaantay in meelaha aynu ugu liidano marka laga hadlayo waxyeeladda deegaankeena soo gaadhay ay ka mid tahay Xaalufka, kaasoo qayb weyn ka ah dhibaatadda isbedelka cimiladda.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxa keliya ee aan idin kula dar-daarmayaa waa in bulshadu na la shaqayso. Anagu ka wasaarad ahaan waanu dedaalaynaa, oo Habeen, iyo Malain ba waanu shaqaynaynaa.

Waxqabadku wuxuu ku xidhan yahay saddex Dhar-dhaar, waa xukuumadda, mid na waa shacabkii, mid na waa ganacsatadeenii. Hadaynu saddexdeenu is kaashano, wax weyn baynu soo saaraynaa.

Labadda dhinac ee aynu inagu maanta ka liidanaa, waa dhinaca Xaalufka, dhinac na inagii ayaa doonayna oo isticmaalayna, labadaasi na isma qabanayaan.Saddexdeenaa Dhar-dhaar ayaa la inooga baahan yahay in aynu iska kaashano sidii aynu u bad-baadin lahayn jiilasheena soo socda”.

Dhibaatooyinka dhulkeena haysta waxaa ka mid ah degsiimooyinka cusub ee magaalaynta ah, taasoo sababtay Xaalufka dhulka ku dhacay.

Waxyeelooyinkaasi oo haddii aan wax laga qaban keeni doona in jiilasheena danbe ay nolosheenu halis gasho, si dhibkaasi  wax looga qabta na la inooga baahan yahay in aynu khayraadkeenna ilaashano.

Sida ay sheegtay wasiir Shukri Baandare, “Waxaa la inooga baahan yahay in aynu khayraadkeenna ilaashano. Dadku na fahmaan, dhulka Tuullooyinka laga samaynayo in ay Xaalufka keenayaan.

Xoolaheenu na ma doonayno in ay inaga dabar go’aan, oo waa waxa keliya ee ay nolosheenu ku tiirsan tahay” ayay tidhi Shukri Baandare.

Dhinaca kale waxaa intii uu shirku socday lagu soo bandhigay daraasado laga sameeyay baaxada waxyeeladda soo gaadhay deegaankeena, iyo sida ugu haboon ee wax looga qaban karo, si loo bad-baadiyo deegaankeena.

Waxaana taa bar-bar socotay in sidoo kale shirweynahaasi ay khubarro, iyo aqoon yahano ku xeel dheer arrimaha deegaanku ay khudbado ka jeediyeen, iyo doodo la isku waydaarsaday wax ka qabashadda dhibaatooyinka soo waajahah deegaanka.

Qaybta labaad ee qormadeenan DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa shirka labaad ee wada tashiga arrimaha deegaanka iyo isbeddelka Cimiladda JSL oo bishii hore lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Shirkani oo noqonaya kii labaad oo ka qabsoomay magaaladda Hargaysa, waxaa wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale, iyo xubno ka mid ah agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi.

Waxaana furitaanka shirkani ka soo qayb galay xubno ka socday haayadaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda Deegaanka Somaliland oo ay ka mid ahaayeen OXFAM, USAID, Action AID, Candlelight, iyo kuwo kale.

Sidoo kale waxaa shirkani ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta qaranka, Axmed Yaasiin Sheekh Muxumed Cade, ururadda bulshadda rayidka, iyo ardayda jaamacadaha dalka.

Kulankani ayaa lagu gorfayn doonaa mudadda uu socdo guulaha laga gaadhay wax ka qabashadda dhibaatooyinka haleelay deegaanka, iyo saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda.

Sidoo kale waxaa dib u eegis lagu samayn doonaa caqabadihii ka hor yimid qorsheyaashaasi, iyo waxa sababay in ay hirgeli waayaan.

Waxa kaloo shirkani lagu dejin doonaa qorshaha arrimaha deegaanka la xidhiidha ee ku jira qorsheyaasha horumarinta qaranka ee saddexaad  NDP3. Sida ay sheegtay wasiirka Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo hadal ka jeedisay furitaanka shirkaasi. Wasiirku waxay tilmaantay in kulankani laga iskaga xog waraysanayo arrimaha ilaalinta, iyo daryeelka deegaanka, iyo isbedelka cimiladda, iyo sidii loo gaadhi lahaa himilooyinka u yaalla ama u degsan qodobadda arrimaha deegaanka khuseeya ee ku jita qorshaha saddexaad ee horumatinta qaranka ee NDP3.

Wasiir Shukri Baandare, ayaa ka codsatay haayadaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin in ay la soo wadaagaan marka ay dalbanayaan dhaqaalaha ay u qorsheeyeen wax ka qabashadda deegaanka, si aanay u dhicin laba ama saddex haayadood ay soo wada qaataan mashruuc isku mid ah.

Shukri Baandare, oo arrimahaa ka hadlaysayna waxay tidhi “Haddii xog la hello, tallo waa la helayaa. Markaa waa in aynu xogtii helno, oo aynu is waydaarsano.

Marka aad proposal-ka qoraysaan, waa in aad naga tallo gelisaan, oo aad na waydiisaan halka aanu doonayno in wax laga qabto, iyo halka ugu daran. Si aanu anagu na idiin tilmaano. Si aanu hal meel ugu wada dhicin dhaqaalaha aad u qorshayseen mashaariicda deegaanka (overlabing), oo mashruuc ay haayad kale hore u waday, aanu mid kale ugu dul dhicin. Taasoo sababaysa in dhaqaalihii (resource-kii), aad hayseen aanu meel keliya ugu wada dhicin”.

Waxaanay intaas raacisay “Sidii loo ilaalin lahaa, ee aanu idiinku sheegi lahayn marka hore ee aad proposal-garaynaysaan ba, aanu idiinku sheegi lahayn halka u baahan in wax laga qabtom

 

Marka aad dhaqaalaha soo heshaan, ee aad mashaariicda fulinaysaa na, waxaa loo baahan yahay in aanu idin la socono, oo (monitoring) ku samayno, oo waxa aad qabateen aanu idin la soo eegno, ayaa loo baahan yahay. Ka saddexaad na waxa weeye mar kastoo aad baxaysaan, oo aad dhulka soo eegaysaan, waxaa loo baahan yahay in aanu idin raacdo, oo idiin tilmaano” ayay tidhi