Wasiir Buuni oo Jawaab Adag ka Bixiyay Hadal ka soo Yeedhay Madaxweynaha Soomaliya

0
115

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa jawaab ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiir Cabdinaasir Muxumed Xasan oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiye kooxeedyada uu hormoodka u yahay aanay waxba ka qaadi Karin Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir Cabdinaasir Muxumed oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa shacabka Somaliland sida ay u difaaceen qarankooda, sida ay jawaabta u siiyeen cadawgooda dibada. Waxa farxad kale inoo ah jawaabta ay dunidu siinayso cadaawada Xasan Sheekh Maxamuud uu kula kacay.

Somaliland maanta yoolkeedii ayay gaadhay, waad arkaysaan waxa cabaad ka dhacaya Maamulka Xamar ee Xasan Maxamuud hormoodka u yahay, waxa aad muujiseen halka aad ka taagan tihiin Umadda Somaliland.”

Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni waxa uu sheegay in Dawladda Soomaaliya aanay waxba ka qaadi Karin Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu yidhi “Wax alaale wax aad qaadi kartaan Somaliland ma jirto, meesha aad joogtaan ayay Itoobiya qayb ka tahay nabadeeda oo goboladaada ayay ilaalinaysaa. khalkhalkii aad ka qaaday Somaliland ayaa Ictiraaf heshay in uu ku dhaxalsiiyo in aad ilawdo in Itoobiya dawladiina qayb ka yihiin oo nabedgalyada aad ku socsocoto dhawrka kiiloo mitir in ay ku ilaaliyaan miyaad ilowday. dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee Itoobiya Ictiraaf siisay wax alaale wax aad ka badali kartaana ma jirto.”