Wasiir Kaahin oo Fashiliyay Heshiis Soomaaliya iyo Al-shabaab isugu Bahaysteen Dagaal ka Dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland

0
165

“Dawladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab waxay heshiis ku yihiin oo ay isku Bahaysteen Dagaal ka Dhan ah Somaliland.”

Hargaysa (Dawan):-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku eedaysay dawladda Soomaaliya, in ay ku hawlan tahay abaabulka qorsheyaal ka dhan ah heshiiska is-afahamka ah ee ay wada gaadheen Somaliland, iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa,sooo bandhigay  cadaymo sheegaya in Soomaaliya, ay maleegayso shir-qoolo lagu wiiqayo heshiiskaas, isla markaana ay is xulafaysanayaan kooxaha argagixisada ah.

Waxaanu tilmaamay in maamulka Muqdisho, ay iyaga laftoodu heshiisyo qarsoodi ah oo ciidan, iyo kuwo Badeed,  ay la galeen dawladda Itoobiya, kuwaasoo aanay u soo bandhigin shacabkoodda waxyaabaha ay rasmi ahaan heshiisyadaasi ku qotomaan.

Maxamed Kaahin,oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa saxaafadda Soomaaliya, ka socda dagaal ku waajahan JSL, oo ka bilaabmay heshiiskii ama is-fahamkii ay wada gaadheen Somaliland, iyo Itoobiya.

Dawladda Soomaaliya, waxay si badheedh ah, oo aan qarsoodi ahayn u waddaa, dacaayado, iyo dagaal abaabulan oo ay ku waddo Somaliland, taasoo ay si cad uga wada shaqaynayaan dawladda federaalka Soomaaliya, iyo ururka Al-Shabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, wuxuu caddeeyay inay iska kaashanayaan ururka Alshabaab, iyo madaxweynaha Soomaaliya, oo isna sheegay kaalinta ay Alshabaab, arrintaas ka qaadanayso. Waxaa kaloo ka mid ah warbaahinta DFS oo ay hadda shuraako ku yihiin, iyaga iyo Alshabaab”.

wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa kaloo uu sheegay in dhawaan golaha baarlamaanka Soomaaliya, la hor keenay heshiis qarsoodi ah oo ay soo wada galeen wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya, iyo dhigiisa Ethiopia.

“Waxaa la hor keenay baarlamaanka Soomaaliya, heshiis uu wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, la soo galay wasaaradda Gaashaandhiga Ethiopia, kaasoo ah in ay iska kaashanayaan Badda, iyo Dhulka intaba. Heshiiskaasi oo qarsoodi ka ah ummada Soomaaliyeed” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Geesta kale wasiir Maxamed Kaahin, waxa uu ka sheekeeyay taariikhdii gumaystaha, iyo midawgii Somaliland iyo Soomaaliya, ee sanadkii 1960-kii, iyo sidii uu ku yimid midawgaasi.

Waxaanu sheegay in ay jiraan dawlado fara badan oo caalamka ah oo midoobay  xoriyadoodda kadib, balse ka noqday midawyadaasi ay hore u wada galeen.

waxaanu yidhi “Waxaa jira wadamo badan oo Yurub, Aasiya, iyo Afrikaba, ka ka tirsan oo dawlado kala madax banaan, oo isku biiray ahaa, oo hadana kala noqday.

Gambia, iyo Siniingaal, ayaa ka mid ah. Suuriya, iyo Masar, ayaa ka mid ah. Ethiopia, iyo Ereteriya, ayaa ka mid ah. Suudaan, iyo South Sudan, ayaa ka mid ah.

In ay Somaliland ka baxdo midawgii Soomaaliya, xaq bay u leedahay, cid ku khasbi kartaana ma jirto. Maantana jamhuuriyadda Somaliland waa dal madax banaan”.

Dhinaca kale Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ugu baaqay shacabka reer Somaliland in ay u diyaar garroobaan sidii ay u difaaci lahaayeen dalkoodda, iyo dadkoodaba.

Waxaanu yidhi “Waxaa wanagaasan in aynu Soomaaliya, noqono laba dal oo jaar ah, oo walaalo ah. Dadka reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan difaaca qarankoodda, iyo naftoodda, oyo maalkoooda”.