Calaf iyo Wad mooyee Ciiddeenu waa Hodan…Aadan Black

0
104

somaliland waxay dhacdaa Geeska Afrika, taasi oo udhexaysa dhigaha 08°00′ – 11°30′ waqooyiga dhulbadhaha iyo loolasha 42°30′ – 49°00′ ee bariga green wich Waxa dhinaca galbeed ka xiga wadanka jabuuti, dhinaca koonfureed wadanka itoobiya, iyo dhinaca bari oo ka xigto maamul-goboleedkas soomaliya  Somaliland waxay leedahay xeeb-badeed dhererkeedu le’eg yahay 740 kilometres (460 mi);viyo dhul baaxadeedu le’eg yahay 176,120 km2 (68,000 sq mi).[8] Somaliland waxa ay dhul ahaan fidsantahay 137000 km laba jibbaaran dhulaka ay ka koobantahya jamhuuriyadani waxa uu u badanyahay dhul deegaana am waaba lawada daganyahay waxa uuleeyahay buuro iyo meelo banaan ah haddii laysyiraahdo  taariikhda uu wadankani leeyahay iyo taariihda uu shacabkani leeyahayba ka sheekeeya waxay noqonaysaa mid aad u dheer.

 

Intaas waxay igu tahaya hogatausalayan iyo tilmaan aan kabaxiyo guud ahan dhulkeena hooyo .

Haddaba hadaan usoo laabto mawduucaayga aan rabo  inan  idinku ku jalbaabiyo ee an kuu tilmaamayo  carradeena iyo dhulkeena inay hodan tahay,waakan ee baldhug uyeesha

dalakasata oo dunida katirsan waxa uu leeyahay khayraad dabiici ah oo ugaara inaksta oo khayaradakoodu kala aduwanyahay hadana, wadan wallaba waxa uu aqoonsadaa uu kafaa’idaystaa  khayraadkiisa dabiiciga ah  iyagoo aan wadana ukalasarin  ama uusan aamini in khayaradakiisu kuyaryahay, ama anu waxatar ulahayan  iyagoo aqonsada karatidooda ,tayadooda ,iyo weliba xirfadahooda aqooneed  ee uu dlakaa dadkiisu  leeyahay.

Sidaa daraadeed wadankeena soomaliland inkasta oo uu haaatan weli aqoonsi caalamiya aanu  kahelin beesha caalamka , hadana waxaa uu leeyahay oo  uu alle inagu galaday khayraad dabiiciya oo aanan qoraalkan kusoo koobi karin balase aan jecelahaya inaan waxayar kataabto inta ugu mudan oo aan  tilamaamo kuwaas oo kamid yihiin , xoolaha nool , sida gela lo,da adhiga  gamaanka iyo dhanka kele khayaraadka  kawniga aha sida khayaradaka badaha , khayaraadka  xabkaha iyo faleenaka sida beeyada  iwm .

Waxa kele oo uu alle inagu galaday dhul  aad ubaaladhan oo fidsan maalaayiin mile oo kuwaas oo ay dhulka aqaarkood dul qulqulayaan biyo aad ubadan oo aan webiyada waxba kadhicin, waxaase nasiib wanaag in dhulkaa berriga  iyo biyaha leh ay agtooda iyo hareerahooda  kufidsanayahay dhul beeraha iyo dalagayada ,kala duwan kuhaboon dhulkas oo aan hubo hadii tacab lageliyo faqriga lagaga bixi lahaa dawlad ahaan iyo umada ahaanba, sidoo kelena aaynu kadhaxli lahyn koboc dhaqaale oo ina ina anafaca ,inkasta oo dawlada somalilnd taagteedu ay yaratahay hadana waa mid inagu waajib ah umadaeena iyo d’a yarteeda aynu milicsano  khayaradaka islamarkaana sidhaba u dhugano waxaana isleeyahay hadii ay dadkeenu baraarugaan waxaay tabci karaan oo tacab badan oo lagu baahi baxo dadkuna kusamato baxo xiliyada adag.

inkasta oo dadkeena aqoonyahanka iyo iyo bulshada inta waxfahanatay   ay dadaal dheer kubixiyaan sidii aynu midhihiisa uguranlahayn, ugana faa idayasan lahayn hadana waxaa ina saran waajiba ka abulsho ahaan inagaoo isku duuban  inaan fadhiga kakacno oo ayanu beerano dhulkeena hodanka  alle inooga dhigay si aaynu ugamaarano  inaynu  dawrsano  ,umada kele oo dhigeena aha oo hore   utashaday.

Intaa waxaa inoo dheer oo isna alle loogu mahadanaqaa  xeebo dhaadheer oo alle sida mareegta inoogu maray kuwaas oo uu ceegaago kalluunkii oo caynwalbaba ah nasiib adaro se ay garab socdaan dadkeenii oo gaajo iyo baahi ladarayayesan oo aan aqoon yo tababara fiican ulahayan habka wax looga ajilaabto bada haday, kalluuntahaya iyo haday, khayarada dabiiciya oo kele  oo kele tahayba  waana nasiibwanaag iyo nasiibdarro is gudub socda waxaanse alle karajaynayaa inuu inaka yeelo kuwa mustaqbalka dhaw kafaa idaysata aqoonteda iyo xirfadeeda buuxdana alle inasiiyo ,

 

soomaliland ayaa markele haysata khayraad kala duwan oo aan ahayn kuwaa aan hore usoo sheegnay kuwaas oo aan weli lahadalhaynba ,in lalasoo baxo haba danbaysee , waxaana kamid ah macadanta kala duwan ee ku teedsan  godanada iyo taagaga kala duwan ee dhulkeen  bari ilaa galabeed waqoyi ilaa konfur waase toows dhow  iyaduna inlaalsoo baxo  ee bushaaro ,

waxaa kele oo kamida khayaradakeena hodanka ee  adabeeciga ah hodantinimada dalkeena ee xabakaha iyo faleenka noocayadiisa akala duwan taas oo dunida naadir ay kuatahaya inlagahelo marka laga reebo, dhulkeena hooyo hodanka. sidoo kelena welidadkeenu uma hagarbixin umana soo  jeesan dhankiisa iyada oo  ganacasigeeda iyo dhoofinteeda dadlka iyo dalkuba  macaash adag  oo lacagaeed iyo koboc dhaqaale oo lamahadiyo lagahelilahaa ayaa isugana inasugaya goorta aan dhankiisa usoo dhaqaaqi lahayn, hadii alle idmose waa guulkele  iyo fursado kele oo aan dadka dheernahay .

haddaba akhristayaal waxaaan qoralkayaga hore kusheegay inay abla -ablayn iyo guudmartahay ee hoos udaadadegii  aanan weli udhaadhicin balase aan rajaynayo inaan si mug iyo baaxad leh ,ugahadlidoono oo intaansina  iga tahay barbilow iyo hordhac.

waxaanan kusoo ururinyaa qormadan aan dheereyn tuducan maanso oo macanao ahaan sidhaw iyo sidheerba utilamaamaya dhiirigelinayana ina dhulkeenu hiil iyo hooba inooga baahanyahay inaguna ubaahanahay isaga inaynu is afgarano oo aan tabacano si aan faqriga daaqada uga saarano innagoo wada jirna muruq iyo maskaxaba .

 

Qore/Aadan Jaamac Black