Maya Mar Kale Midnimo !! Maya Mar Kale Qaldaan!!!

0
118

Fudaydkii ay ummadda Somaliland ku wareejiyeen Calankii iyo Qarannimadii ay heleen 26.06.1960 waxa ka raacay magac bahdilaad ku ahaa caqliga reer Woqooyiga oo muujinayey in aan iyaga lala qabin dareenka Soomaalinimo ee ku kalifay in ay wareejiyaan calankii ay heleen. Dadka Reer Somaliland waxa Koonfurta looga yaqaanay SOOMAALI-QALDAAN. Taasi oo looga jeeday in reer Somaliland ay yihiin dad fudud oo aan lahayn faham iyo garaad ay Dawlad ku noqdaan ama ay isku maamulaan, dabadeedna iska soo wareejiyey Qarannimadii ay heleen, sidaana kula midoobay Koonfur oo iyagu aan xiise u qabin wax la yidhaa midnimo Soomaaliyeed!!

 

Siyaasigii caanka ahaa ee reer Baydhaba SOOBE (LAANGADHE), mar uu ka hadlayey fudaydka iyo caadifadda ay dadka Somaliland ku soo wareejiyeen Xorriyadii ay heleen 26 June 1960 wuxuu yidhi: “Dadka Reer Wokhooyiga waanu u dignay. Waxaanu ku niri war hooy ka fiirsada isku darsadka. War hooy ha noo imanina waxba nagama taqaanaane. Laakiin waa na dhegeysan waayeen, dabadeedna waxaanu niri haye hee isa soo dhiiba”

 

Nasiib darro,  ummadda reer Somaliland weli waxa ka muuqata qiiro la xidhiidha magacii Soomaaliyeed ee uu dayaxiisu dhacay 1960-kii. Ummadda Somaliland weli waxa ka muuqata u-hanqal-taag magacii Soomaalinimo ee iyaga lagu dulmiyey, magacii lagu gumaystay, magacii lagu gumaamaday,….. Magacaasi waa ka ilaa maanta, 64 sano kadib, ummadda reer Somaliland u diiddan in ay aayahooda  ka tashadaan. Soomaaliya waa kuwa ina leh jiri maysaan oo annagaa weli idiin talina!!??

 

Xumaanta, xaasidnimada iyo hurinta colaadaha ka dhanka ah Shacabka Somaliland ee ay gadh-wadeenka ka yihiin Xasan Sheekh Maxamuud,  Xukuumadiisa iyo Goleyaashiisa macmalka, waa kuwo ifa-faale u ah dib u soo curashada gumaysigii reer Koonfureedka ee ay ummadda Somaliland iska xoreeyeen 34 sano ka hor, kaasoo la doonayo in lagu masaxo wax kasta oo ay ummadda Somaliland qabsadeen 33-kii sano ee ugu dambeeyey.

 

Waxaan leeyahay: MAYA MAR KALE MIDNIMO!  MAYA MAR KALE QALDAAN!!

 

La soco Qaybta 3-aad: Sharcinimada Midowgii Labada Gobol ee 1/7/1960?