“Qofkii wax iibsan karaya ayaa sicir-bararka og, balse anagu maba ogin in aanu heli wax aanu cuno”Hooyo Xaliimo

0
87

Hargeysa (Dawan) Hooyo Xaliimo Maxamuud Daahir waa hooyo ku nool xaafada isku raranta  istaad house, waxay haysa oo guri ugu xidhan gabadh rajjo iyo agoona oo ay habaryar u tahay oo xannuunsan, oo silsiladaysan, mana awoodaan inay hal mar dab shitaan sida duruuftooda nololeed tahay, waxay ku tiirsan yihiin hadba xaafadaha jaarku waxay bilaydh ugu soo ridaan.

Haddaba hooyadan inantan isku dul xidhan waxay inooga baahan yihiin cidkasta oo awooda haddii ay wax tari karto in loo gurmado, lagana caawiyo duruufaha nololeed ee ku gadaaman oo ay ugu horrayso iyada iyo inanta isku dul xidhan noloshooda iyo ciddii dhakhtar gayn karaysa inay gargaar caafimaad u fidiso, cidgaara oo umaqana majirto umada walaalaheeda mooyaane.

Waxaaney tidhi. “Aniga iyo inan xannuunsanaysa ayaa isku dul xidhan, meel aan wax uga keenana mahayo, kamana tagi karo, cid iyo ciirsi kalena mahaysano, xaafada mar walba gubanaysa ayaa qof iigu dhex silsiladaysan yahay, waxaan siiyo uma hayo, waxaan ku daweeyo uma hayo, waxaan silsilada kaga furo uma hayo, inantuna waa rajo iyo agoon ana habaryarteed ayaan ahay, umada islaamka waxaan ka codsanaya inay nacaawiyaan, haddii inanta dhakhtar la ila gayn karana la ila geeyo, nolosha wixii wax nalagala qabto.”