Hargaysa: Hal Qof Oo Ku Geeriyooday Kotonto Qabsatay

0
90

Hargaysa (Dawan): Alle ha naxarisitee Marxuum lagu magacaabi jiray Faarax Jimcaale Nuur, ayaa shalay u geeriyooday Shoodh laydh.

Marxuumkaas oo ahaa Rinjiile ka shaqaynaayay Huteelka Royal ee Masallaha.

Waxaana dhimashada qofkaasi sababtay Bir laydh .

Ciidanka Dabdemiska ayaa markiiba halkaasi ku tagay gurmad degdeg ah, waxaana ay Maydkii ka soo dajiyen Fooqa.
Ciidamada Dabdemisku waxay maydkii ku wareejiyeen Ciidanka Baadhista Booliska.Ciidanka Dabdemisku wuxuu tacsi u dirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumkaasi.
Waxaanu shaqaalaha xirfadlayaasha ah iyo bulshada uga digaynaa khatarta korontada, taasoo ah halis markastaba joogta.