Xuutiyiinta oo Weeraray Markab Xamuul oo Mareykanku Leeyahay .

0
86

Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iiraan ayaa xaqiijiyay inay gantaal nooca baalistiga ah ku weerarreen markab xamuul oo laga leeyahay waddanka Mareykanka. Markabkaas oo la yiraahdo Gibraltar Eagle, ayaa la weerarray xili uu marayay gacanka Cadmeed. Taliska milatariga Mareykanka ayaa sheegay, in aanay jirin waxyeello soo gaartay markabkaasi la weerarray.

Shirkadda maraakiibta ee Eagle Bulk Shipping, ayaa sheegtay in markabka uu siday badeecooyin bir ah, wuxuuna ku dhowaad 160 kilo mitir ka baxsanaa xeebaha gacanka cadmeed markii la duqeynayay. Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto, ayaa tan iyo bishii November weerrar ku qaadayay marakiibta mara badda cas, iyagoo taageero ugu muujinaya dadka reer Falastiin iyo ururka Xamaas ee Qasa.

Maxay yihiin Kooxda Xuutiyiintu?

Xuutiyintu waxay ka soo unkameen ururradii ku jiray colaadda ka dhanka ahayd dowladdii Yemen, balse waxay asaal ahan ku aroorayeen madhabta Zayd oo ka mida madhabyada Shiicada.

Kooxda Zayd waxay tariikh ahaan ku xidhiidhsamayaan kacaankii Zayid bin Cali Al-Xuseen bin Cali Bin Abii Daalib kuwaas oo ka soo jeeday magaalada Kuufa kana hor yimid taliskii umawiyiinta qarnigii siddeedaad ee miilaadiyada iyo dhimashadiisa oo uu gacantiisa ku dilay guddoomiyihii Khaliifkii Umawiyiinta. Hishaam bin Cabdul Maalik .

Arrimo badan ayaa ka qayb qaatay soo ifbaxa Xuutiyiinta, oo ay ka mid yihiin sababo fikir, siyaasad, taariikheed iyo juquraafi oo ay ku jiraan sheegashada xuquuqda dadka deggan goobaha ay ku badan yihiin Zaydiyiinta.

Sannadkii 1990-kii ayay ahayd markii la abuuray dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee loogu magac daray “Dhallinyarada Mu’miniinta ah”, taasoo ay dabada ka riixaysay xaqiiqada go’doonka ah ee deegaannada Zayd, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 35 illaa 40 boqolkiiba tirada guud ee dadka Yemen.

Dhaqdhaqaaqa ayaa noqday mid aad loo xiiseeyo kadib markii ay kordheen dhalinyaro taageersan oo ka qayb qaadanaysa dhaq-dhaqaaqa kooxda. Waxay la koreen nacaybka Israa’iil iyo Maraykanka iyagoo saaladaha Jimacaha ka qaadayey nashiidooyin ka dhan ah.