5 Hab Oo Looga Hortago Suuska Iyo Ilko Bololka, Caafimaadka Afkana Lagu Xifdiyo

0
130

Barnaamijka Caafimaadka Todobaadkan Qormadeena Labaad waxa aynu ku soo qaadanaynaa shan qaab oo aad uga hor tagi karto Suuska ku dhaca ilkaha iyo sidoo kale Ilka Bololka, taasi oo aad ku xafidi karto xcaafimaadka guud ee afkaaga.

Inta aynu ku jirno qormadeenan labaad waxa aynu wax ka ogaan doonaa daawooyinka u fiican ilkaha iyo ka hortaga caafimaadka afka, sidoo kale waxa aynu wax ka tilmaami doonaa wax yaabaha loo baahan yahay inaad joojiso si aan caafimaad darro ugu dhicin ilkahaaga oo ay kow ka tahay Sonkortu.

Waxa aynu wax badan ka sheegi doonaa hababka ugu wanaagsan ee aad ku ilaalin karto caafimaadka afkaaga iyo ilkahaagaba iyo wax yaabaha loo baahan yahay in aad samayso si aad uga feejignaato cudurada ku dhaca ilkaha iyo afka.

Haddaba akhriste Ma ogtahay in caafimaad afka laga dheehan karo caafimaadkaaga guud ahaan iyo in dhibaatooyinka soo wajaha afkaaga ay si toosan iyo si dadban u saameyn karaan jidhkaaga intiisa kale.

Inkasta oo ay muhiim tahay inaad si joogto ah u booqato dhakhtarka ilkaha si aad ula socoto caafimaadka ilkahaaga haddana ma jiro wax diidaya inaad ku darto daryeel dabiici ah.

Haddaba casharkan waxaan kuu soo qaadanaynaa 5 hab oo dabiici ah oo looga hortagi karo ilko bololka, caafimaadka afkana lagu horumarin karo.

Isticmaal Dawada lagu cadaysado ee ay ku jirto maadada “fluoride”:

Maadada “fluoride” waxa ay faaido u keedahay ka hortagga suuska iyo ilko bololka. Caadi ahaan, dawada ilkaha waan inay ku jirto ku dhowaad 1350 illaa 1500 ppm oo maadada “fluoride” ah.

Marka laga soo tago dawada ilkaha, maadadani waxaa laga helaa biyaha la cabbo, iyagoo jidhka siiya flouride-ta uu u baahan yahay.

Jooji sonkorta:

Sonkortu waxa ay kordhisaa bakteeriyada afka ku dhaqan, sidaa awgeed waxa ay dishaa dheeha ilkaha. Dooro cunnooyinka ay ku yartahay sonkortu, adiga oo isha ku haynaya sonkorta qarsoon ee ku jirta cunnooyinka warshadaysan.

Ka fogoow macmacaanka iyo cabitaannada ay sonkortu ku badan tahay.

Cadayso ugu yaraan 2 goor maalintii

Ka luqluqo haddii aad cunto shay sonkor leh

Ku luqluqo biyo milix leh:

Biyaha milixda leh oo lagu luqluqdo waxa ay uroon tahay ilkaha iyo dhuunta. Waxa ay dheellitirtaa asiidhada, waxa ay nadiifisaa carrabka, hungurigana waa ay dejisaa.

Isku dar qaado barkeed milix ah (waa qaadada yar ee shaaha) iyo biyo diirran kuna luqluqo cunnada kadib. Waa hab fudud oo dabiici ah oo lagu ilaalin karo caafimaadka afka.

Hel fitamiin D kugu filan:

Fitamiin D ma ahan oo keliya inuu lagama maarmaan u yahay quwadaysiga lafaha balse waxaa kale oo uu u fiican yahay caafimaadka afka. Waxa uu caawiyaa in jidhku uu nuugo macdanta kalsiyaam taas oo kobcisa caafimaadka afka iyo cirridka. Jidhka oo heli waaya fitamiin D ku filan waxa ay keentaa inuu si fiican uga faaidaysan waayo kalsiyaamta, taas oo horseedaysa dheeha ilkaha oo daciifa iyo u nuglaanta suuska ilkaha oo siyaadda. Helidda fitamiin D kugu filan waxay sare u qaadaa caafimaadka ilkaha waxayna caawisaa in jidhku si dabiici ah iskaga caabbiyo ilko bololka.

Ku dedaal inaad hesho qorrax ku filan iyo qaadashada cunnooyinka laga helo fitamiin D sida kalluunka, beedka iyo caanaha.

Cab shaaha cagaaran:

Shaaha cagaaran waxa uu dilaa islamarkaana uu yareeyaa tarmidda bakteeriyada loo yaqaanno “streptococcus mutans” jeermiskan oo aad ugu badan afka bani’aadamka, taas oo keenta ilko bololka, caabuqa dhuunta iyo cirridka. Cilmi baadhisyo kala duwan waxaa lagu arkay in dadka joogteeya cabbista shaaha cagaaran ay ku yaryihiin xanuunnada ku dhaca ilkaha iyo ciridka. Sida oo kale, shaaha cagaarani, waxa uu yareeyaa xanuunka qumanka.

Cab shaaha cagaaran xilliyada raashinka dhexdooda si aad kor u qaado caafimaadka afkaaga.

Ugu dambeyntii Inaad ka taxadartid caafimaadka afkaaga ayaa ah maalgelin aad ku sameysay caafimaadkaaga guud.