Wasaaradda Caafimaadka JSL, oo kala Wareegtay Hay’adda Caafimaadka Aduunka Qalab Lagula Tacaalayo Xanuunka Xumada

0
75

Todobaadkan Qormadeena Koowaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aynu ku soo qaadanaynaa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo kala wareegtay agab caafimaad Hay’adda Caafimaadka Aduunka, kaasi oo lagula tacaalayo xanuunka Xumada daran ee dalka ka jirta.
Hay’adda Caafimaadka Aduunka ayaa inta badan kala shaqaysa wasaaradda Caafimaadka arrimaha la xidhiidha kor u qaadista caafimaadka iyo tayadiisa, waxaana ka dhexeeye xidhiidh aad u qoto dheer oo wada shaqayneed.
Agabkan aya Hay’adda caafimaadka aduunku ku wareejisay wasaaradda Caafimaadka ayaa u badan qalab loogu talagalay in lagula tacaalo xanuunka xumada oo bulshada dhibaato badan ku haya, kaasi oo la filayo inuu wax badan ka tari doono xaalada xumada daran ee Dangue Fever.
Haddaba Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa agab Caafimaad kala wareegay Hay’adda Caafimaadka aduunka WHO.
Munaasibad kooban oo ka qabsoontay xarunta kaydka dawooyinka qaranka ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo lagula kala wareegayay agabkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ka socotay Hay’adda Caafimaadka aduunka, Madaxa kaydka dawooyinka iyo Madaxa Qaybta gargaarka degdega ah ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Hawl wadeenadda hay,adda WHO oo madasha hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay noocyada agabkan ay wareejinayaa oo intiisa badan loogu talogalay xanuunka xumadda ah ee (dengue fever) iyagoo sheegay inay Wasaaradda si dhow ula shaqeeyaan siina wadayaan wada shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Hay’adda Caafimaadka aduunka WHO.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye oo si rasmi ah ula wareegay agabkan Caafimaad ayaa u mahadceliyay Hay’adda Caafimaadka aduunka sida wanaagsan ee ay ula shaqayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, isagoo xusay in uu agabkani wax weyn ka tari doono dadaalada ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ugu jirto la dagaalanka Xanuunka Xumadda.