Warbaahinta Addis Ababa oo Sharraxday Sida Somaliland iyo Itoobiya Looga soo Dhaweeyay Is-fahamka Labada Dal

0
150

Addis Ababa (Dawan)- Warbaahinta dawladda Itoobiya, ayaa si weyn uga warbixisay sida shacbiga Somaliland iyo Itoobiya ugu diirsadeen isfahamka iskaashiga ay kala saxeexdeen 1-dii Bishan January Madaxweyne Muuse Biixi iyo Raysal-wasaare Abiy Ahmed.

Warbaahinta Itoobiya, waxay werisay in si isku mid ah looga soo dhaweeyay caasimadaha Hargeysa iyo Addis-ababa heshiiska isfahamka ee ku wajahan in dawladda Somaliland ay 20km oo xeebteeda ah ka kirayso Itoobiya oo ka samaysanaysa saldhiga ciidan oo badda ah, taasi oo Somalilandna dhaafsatay in Itoobiya noqon doonto dalka u horreeya ee aqoonsada madax-bannaanida JSL.

Mustefa Cali Ciise ayaa Wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA, ayaa sheegay inuu si weyn u taageersan yahay isfahamka iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya oo uu ku tilmaamay mid horseedaya horumar ay wadajir u gaadhaan labada dal ee saaxiibka ahi.

“Waxaan Hargeysa uga imid inaan ka qaybgalo xafladan da’yarta iyo qurbo-jooga Itoobiya ay ku soo dhaweynayaan heshiiska labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.”ayuu yidhi Mustafe Cali.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in isfahamkani uu keeni doono inay isku xidhmaan labada shacab ee isla markaana ay yeeshaan isku-xidh la xidhiidha iskaashigooda taariikhiga ah oo ay ka mid tahay inay ka wada shaqeeyaan isdhaafsiga ganacsiga.

Sidoo kalena, Muxumed Askar ayaa sheegay in iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya uu abuurayo horumar dhaqaale oo labada dal ku tanaadaan.

“Waanu ku faraxsan nahay haddii aanu nahay ummadda reer Somaliland cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga Itoobiya, sidoo kale Itoobiyana waa laga faraxsan yahay, waana in aynu wada jir u xaqiijinaa hirgelinta isfahamkan,” ayuu yidhi Muxumed Askar.