Wasiirka Arimaha Gudaha JSL iyo Taliyayaasha Ciidamada Dalka oo ka Shiray Adkaynta Amniga Guud ee Dalka

0
102

Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir gudoomiyey kulan Ballaadhan oo ku saabsan sidii loo adkayn lahaa amniga guud ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xasiloonidiisa.

Kulankan oo ka qabsoomay Miiska Saraakiisha, ayaa wuxuu ka mid ahaa kulamada caadiga ah ee lagu dardar-galinayo amniga, laguna falaqaynayey kor u qaadista amniga gudaha iyo guud ahaan difaaca Qaranka, kaasi oo ay inta badan wax iska waydiiyaan wasiirka iyo dhammaan Taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka eek u hawlan ilaalinta iyo adkaynta nabadgeyada dalka.

Shirkan muhiimka ah waxaa ka soo qaybgalay Taliyayaasha guud ee Ciidamada kala duwan ee qalabka sida, waxaana shir gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, kulamada joogtada ah ee ku saabsan amniga Dalka, ayaa tusaale u ah sida ay Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ay uga go’an tahay adkaynta nabadgelyada Dalka iyo in la sugo difaaca dalka.

Kulamada muhiimka ah ee lagaga hadlayo arrimaha nabadgelyada ayaa ah kuwo si is daba joog ah ay u qabato wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, kuwaasi oo looga gole leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa xaalada amni iyo xasilooni ee dalka, taasi oo ay masuuliyada wayn ka saaran tahay qof kasta oo reer Somaliland ah balse ay u xilsaaran yihiin wasaaradda arrimaha gudaha iyo dhammaan Taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, waana sababta keentay mar kasta la isugu yimaado kulamada noocan oo kale ah.

Guntii iyo gunaanadkii Somaliland tiirarka ugu waawayn ee ay ku taagan tahay waxa kow ka ah Nabadgelyada oo fure u ah horumarka iyo geedi socodka Dimuqraadiyad ee dalka, waxaana heegan buuxa ugu jira wakhti kasta ciidamada kala duwan ee Somaliland oo ay shacabku ku seexdaan.