Waxa Ay Ku Gaadheen Yoolkooda Dadaal!

0
83

Hogaamiyahii kooxihii dagaalkii sokeeye ee aadka u cuslaa ee dalka Maraykanka eek u dhamaaday inaan dhinacana guulaysan Mr.Gorge Washington, ayaa markii laga heshiiyay joojinta dagaaladaasi sokeeye go’aamiyay in la dhiso dal cusub oo leh xuduudo u gaar ah. Waxaana uu noqday gudoomiyaha gudida diyaarinaysa dastuurka dalkaasi oo noqday dastuurada dunida ugu cimriga dheer.

Gorge Washington aya soo shaac baxay ka dib dhamaadkii dagaalkii sokeey oo noqday halyay, bulashada dhamaanteed ayaa u arkaysay hogaamiye weyn oo ka tirsan. Waxayna jeclaayeen inay u caleemo saraan dalka cusub hogaankiisa. Washington ayaa doorbiday inuu iska casilo xilkii hogaanka ciidanka ee dagaalyahandii si uu seeska ugu dhigo jamhuuriyadda cusub ee dhalatay sanadkii 1794, taasi oo loo bixiyay Jamhuuiriyadda federaalka Maraykanka.

Gorge Washington wuxu noqday madaxweynaha Maraykanka sanadkii 1789, iyadoo laba door oo isku xigana la doortay , waxaan uu noqday madaxweynihii seeska u dhigay ilaa wakhtigan in dalka Maraykan hogaankiisa lagula kala wareego doorashooyin xor ah ka dib markii boqortooyinka iyo dadkii awooda ciidanka haystay laga xoreeyay,
Washington iyo dadkii wakhtigaasi la noolaa waxay colaadii iyo dagaaladii ka doorteen inay dhisaan Jamhuuriyad xoog ah oo dunida u hogaamisa, waana ay ku guulaysteen, waxay dhiseen dawladda Maraykan oo maanta dhaqaale iyo cudud ciidanba dunida hogaamisa.