Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiyaa Maxay Ka Tari Karaan Yaraynta Dhir Jarista?

0
137

Dhuxulaysigu wuxuu ka mid yahay dhibaatooyinka halakeeyay deegaankeena ee sida daran waxyeelada joogtada ah ugu haya dhirta.

Jarista dhirta ayaa la rumaysan yahay in ay sababto waxyaabaha keena xaalufka ku dhacay dhirta, iyo dhulkaba, taasoo ka mid ah dhibaatooyinka ay dadku masuulka ka yihiin.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda JSL ayaa sanadahan danbe waxay dedaal weyn ugu jirtay sidii ay xal ugu heli lahayd jarista dhirta, isla markaana wax looga qaban lahaa Dhuxulaysiga.

Dedaaladda arrinta Dhuxusha wax lagaga qabanayo ee ay ku tallaabsatay wasaaradda Deegaanka Somaliland waxaa ka mid ah in dhirta qiimaha leh ee dalkeenna ka baxda aan la jarin, balse taa bedelkeedda Dhuxusha laga shido geedka loo yaqaanno Garan-waaga.

Waxaanay wasaaradda Deegaanka JSL taageerro dhaqaale iyo mid qalab ba u fidisay dadka farsamo-yaqaaanadda ah ee soo saarra Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya, kuwaasoo loo qaybiyay dadweynaha ku kala nool qaar ka mid ah magaalooyinka dalka.

Qorshahaasi ay wasaaradda Deegaanka Somaliland ku doonayso in Dhuxusha laga shido Garan-waaga ayaa loo arkaa mid wax ka bedelaysa dhirta faraha badan ee la jaro, si Dhuxul looga shido, maadaama oo geedka Garan-waagu uu yahay mid aan wax manaafacaad ah u lahayn dadka iyo deegaankaba.

Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL oo Gir-gireyaasha Dhuxusha Beekhaamiya u qaybisay qaar ka mida dadka danyarta ah ee ku nool magaalooyinka Hargaysa, iyo Burco.

Gir-gireyaashani oo ah kuwa dalka gudihiisa lagu sameeyo, ee ay farsameeyaan dadka Tumaaladda ah ayaa 500 oo ka mid ah laga qaybiyay caasimadda Hargaysa, halka 500 oo kalena laga qaybiaya Burco.

Qaybinta Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya ayaa looga dan leeyahay in hoos loogu dhigo isticmaalka Dhuxusha oo ka qayb qaata xaalufka iyo nabaad-guurka deegaanka, iyo in la dhiiri geliyo dadka farsamo-yaqaanadda ah ee sameeya Gir-gireyaashaasi.

Iyadoona Gir-gireyaashani ay qayb ka yihiin mashruuc ay in muddo ah soo wada fulinayeen wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda UNDP. Mashruucaasi oo muhiimadiisu ahayd yaraynta Dhuxusha.

Sida uu sheegay Caydaruus Ismaaciil Muuse, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL, oo hadal ka jeediyay madashii qaybinta Gir-gireyaashaasi ee magaaladda Hargaysa.

Waxaau yidhi,“Waxaynu halkan u joognaa in aynu qaybino Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya, oo qayb ka ah mashruucii weynaa ee ay wada, wadeen wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda UNDP.

Mashruucaasi oo muhiimadiisu ahayd yaraynta Dhuxusha. Mashruuucaasi marxalado badan ayuu soo maray, oo faa’iidooyin badan u leh qaranka, marka loo eego ilaalinta degaanka. Sanadka na waxaa lagu jiraa gebagabadii mashruuca”.

Caydaruus Ismaaciil Muuse, agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL, waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ugu waaweynaa ee laga faa’iiday mudadii uu mashruucaasi soo socday.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu mashruucu qabtay waxaa ka mid ahaa, in Gaaska cuntadda lagu kariyo, la gaadhsiiyay goboladda bariga Somaliland. Waxaana goboladda Sool, iyo Sanaag, laga qaybyay haamaha Gaaska oo gaadhaya ilaa 800, oo xabadood. In la caawiyay ama la taageeray shirkado yar yar oo soo koraya, oo geedka Garan-waaga u bedelaya Dhuxul”.

“Sidoo kale waxa uu mashruucu caawiyay tan aynu maanta (shalay)  u joogno, ee aynu ku qaybinayno in dadka danyarta ah ee ku nool magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, loo qaybiyay kun Gir-girre. Waxaanan rejaynaynaa in Gir-gireyaashaasi ay dhimaan isticmaalka Dhuxusha” ayuu yidhi Caydaruus Ismaaciil.

Gir-gireyaashani ayaa 500 oo ka mid ah lagu sameeyay gobolka Togdheer, gaar ahaana magaaladda Burco, halka 500 boqol ee kalena lagu sameeyay magaaladda Hargaysa.

Waxaana mashruucaasi ka gacan siiyay wasaaradda deegaanka Somaliland haayadda UNDP iyo haayadda Waddaniga ah ee Candle Light. Iyadoona madashii qaybknta Gir-gireyaashaasi ee magaaladda Hargaysa ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka kala socday haayadahaasi.

Agaasimaha Haayadda Candlight  Cabdirisaaq Bashiir Libaax, oo isna ka halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in la filayaan in Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiyaa ay isticmaalka Dhuxusha hoos u dhigaan 50%.

Waxaanu yidhi, “Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya sababta loo sameeyay, iyo faa’iidadoodu waxa weeye, Dhuxusha faraha badan ee ay dadku isticmaalayaan sidii loo yarayn lahaa. Waxaanan rejaynaynaa in Gir-gireyaashani ay hoos u dhigaan 50% Dhuxusha ay qoysasku isticmaalayaan.

Waana mashruuc ku tacaluqa sidii deegaanka loo bad-baadin lahaa. Shaqooyin na loogu abuuri lahaa, loona dhiiri gelin lahaa dadka farsamoyaqaanadda ah ee sameeya Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya”.

Geesta kale Cabdi Abokor, oo ka socday haayadda UNDP oo wasaaradda Deegaanka Somaliland kala shaqaysa arrimaha bad-baadinta deegaanka ayaa sheegay in mudadii uu mashruucani soo socday inuu wax badan ka qabtay daryeelka deegaanka.

Waxaanu tilmaamay in hadda lagu jiro qaybtii ugu danbaysay ee mashruuca maadaama ay muddo sanad iyo dheeraad ah soo wadeen.