Baarlamaanka Turkiga oo Ansixiyey Xubinimada Nato ee Sweden

0
91

Muddo ka badan hal sano oo dib u dhac ah, baarlamaanka Turkiga ayaa Salaasadii u codeeyay in Sweden ku biirto NATO. In ay Sweden ka mid noqoto NATO waxa lagu ansixiyay 287 cod, 55 ayaa diiday, afarna way ka aamuseen.

Go’aankan ayaa yimid ka dib markii guddiga arrimaha dibadda ee Turkiga ay hore u ansixiyeen xubinimada dalkaasi bishii hore.

Ra’iisul wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa soo dhaweeyay codeynta. “Waxaan hal tallaabo u sii dhawaaneynaa inaan xubin buuxda ka noqono NATO,” ayuu yidhi.

Hal waddan oo Hungary ah, ayaa weli laga sugayaa inuu ansixiyo dalabka Sweden ee xubinnimada ka mid noqoshada isbahaysiga.

Lataliyaha Amniga Qaranka Maraykanka Jake Sullivan ayaa isna soo dhoweeyey, isaga oo yidhi, “Waan soo dhaweyneynaa codkii baarlamaanka Turkiga uu ku ansixiyay in Sweden ay ku biirto NATO.

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sidoo kale bogaadiyay codbixinta Turkiga ee ay ku taageereen xubinnimada Sweden wuxuuna sheegay “in uu ku xisaabtami doono Hungary inay sida ugu dhaqsaha badan u dhamaystirto ansixinteeda qaran.”

Inkasta oo Sweden ay weli u baahan tahay ogolaanshaha Hungary ka hor inta aanay awoodin inay galaan isbaheysiga militariga, tani waa go’aan taariikhi ah maadaama Turkiga uu diiday inuu ogolaado dalabka Sweden ee xubinnimada tan iyo codsigii ugu horreeyay ee 2022, taas oo niyad jab ku riday xulafada reer galbeedka.

Turkiga ayaa sheegay in Sweden ay magan gelisay xubno ka tirsan xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK), oo Turkiga, Midowga Yurub iyo Maraykanka ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku xidhay in Sweden ay xubin ka noqoto NATO in Maraykanku ansixiyo ka iibinta diyaaradaha F-16 ee Turkiga.

Tan iyo markii ay codsatay Sweden waxa ay soo bandhigtay sharciga la dagaalanka argigixisada kaas oo sharci darro ka dhigaya xubinnimada urur argagixiso. Intaa waxaa dheer, dalalka Sweden, Kanada, Finland iyo Nederland waxay debciyeen siyaasadaha soo iibsashada hubka ee Turkiga.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken iyo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa horaantii bishan ka hadlay iibka F-16, ka dib Blinken ayaa ku dhawaaqay in Turkigu ay u badan tahay inuu ansixiyo xubinnimada Sweden.

Hungary ayaa dhankeeda sheegtay in Sweden ay sanado badan ka muujisay cadaawad cad oo ku wajahan Budapest ayna ka cadhootay dhaleeceynta Sweden u soo jeedisay ra’iisul wasaaraha Hungary Viktor Orban.

Xubin ka tirsan gacan yarayaash Orban, Gergely Gulyas, ayaa xusay khamiistii la soo dhaafay  in loo baahan yahay tallaabooyin lagu dhisayo kalsoonida Stockholm si loo wanaajiyo xidhiidhka Budapest, taas oo laga yaabo inay gacan ka geysato ansixinta ku biiritaanka Sweden.