Badhasaabka Gobolka Selel oo Xadhiga Ka Jaray Saddex Mashaaruuc

0
144

Ceel-gaal (Dawan): Guddoomiyaha gobolka Selel, Mawliid Maxamed Nuur, ayaa xadhiga ka jaray saddex mashruuc oo ay xkuumadda Somaliland ka hirgelisay gobolkaas.

 

 

Saddexda mashruuc ee xadhiga laga jaray ayaa kala ah MCH, qalabaysan, oo shaqaalaysan, iyo Unbulamce.

 

Dugsi hoose oo degmadds Ceel-gaal, oo lagu kordhiyay laba fasal, oo ay dhistay dawladda hoose ee Saylac.

 

 

MCH-kana waxaa hirgelisay wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyadoo ka duulaysa sidii loo dabooli lahaa baahoyaha addeegyadda caafimaad ee deegaankaasi.

 

Xadhig ka jarka mashaariicdaasi waxaa badhasaabka Selel, ku wehelinayay maayarka Saylac, iyo xubno ka mid ah golaha deegaanka Saylac.

 

 

Guddoomiyaha  Selel, Mawliid Maxamed Nuur, oo ka hadlay xadhig ka jarka mashaariicdaasi ayaa sheegay in hirgelinta MCH-ka cusub uu ku yimid balan qaad uu hore bulshadda deegaanka Ceel-gaal, ugu sameeyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Waxaanu yidhi “Intani waxay tahay in madaxweynuhu isagu aragtidii dadweynaha soo qaaday, oo uu idin soo gaadhsiiyay. Waxaanan maanta xadhiga ka jaraynaa MCH-ka ugu casrisan gobolka Selel. MCH-kaas wuu dhamaystiran yahay qalabayntii, dhaqaalihii, nidaamkii Korontadda. Waana MCH-ka keliya ee uu ku yaallo AC-gii daawada qaboojinayay.

 

Anagoo intaaba fulinayna siyaasada madaxweyne Muuse Biixi, in ay mashaariicdani yihiin ballan qaadkii uu hore u ballan qaaday madaxweynuhu”.

 

 

 

Dhinaca kale odayaasha, madax dhaqameedka, iyo waxgaradka deegaanka Ceel-gaal, iyo gobolka Selel, ayaa soo dhaweeyay mashaariicda horumarineed ee loo dhisay.

 

Waxaanay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uga mahad celiyeen inuu Ceel-gaal, oo aan weligeed laga dhisin MCH ama xarun caafimaad oo kale inuu isagu hirgeliyay, isla markaana codsi ay hore ugu gudbiyeen ka aqbalay.