Xukuumadda Somaliland oo Diyaarinaysa Siyaasadda Qaran ee Horumarinta Xog-koobista Hay’adaha Dawladda

0
144

Hargaysa (Dawan):-Xukuumadda Somaliland ayaa soo gebo’gabaysay kulan lagu diyaarinayay siyaasadda Qaran ee horumarina, Qorshaynta iyo Xog-koobista wasaaradaha iyo Hay’adaha dalka.

Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland ayaa soo gabo’gabaysay kulan xog wadaag ah kaas oo ku saabsan qiimayn ay wasaaradda Qorshayntu ku samaysay waaxaha Qorshaynta iyo Xog-koobista ee Wasaaraddaha iyo Hayadaha madaxa bannaan ee dawladda, si loo diyaariyo Siyaasada heer qaran ee Horumarinta Xog-koobista, kaas oo labadii cisho ee u danbeeyay ka socday magaalada Hargeysa.

Kulankaas waxaa ka soo qayb galay Agaasimeyaasha Waaxaha Qorshaynta iyo Xog-koobista ee wasaaraddaha iyo hay’addaha dawlada.

Daahfurka kulankan waxaa si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee wasaaradda qorshaynta Mudane Mustafe Cumar Faarax, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga mudane Cabdikarin Aadan Cadde.

Intii uu kulanku socday waxaa lagu soo bandhigay xogta qiimaynta ay Wasaaradda Qorshayntu ku samaysay waaxyaha Qorshaynta iyo Xog-koobista ee Wasaaraddaha iyo Hayadaha Madaxa banaan, sidoo kale waxaa lagu lafo guray sidii qiimayntan loogu badeli lahaa Siyaasada Qaran ee xog-koobista.

Dhankooda waxa ay soo bandhigeen Agaasimayaasha Waaxaha Qorshaynta iyo Xog-koobista Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa bannaan qaabka xog-koobista ee wasaarad iyo Hay’adaha kasta si qiimayn loogu sameeyo qaabka qorshayneed iyo xog-koobiseed ee Hay’adaha dawladda.

Gaba-gabadii kulanka waxaa ka soo baxay qodobo muhiima waxaana laysla qaatay sidii loo samayn lahaa siyaasad qaran oo ka turjumaysa baahiyaha xogta ee dalka.