Guddida Tacliinta Sare ee JSL oo Soo-saaray Jaamacadaha Bixin Kara Mihnada Dhakhtarnimada iyo Caafimaadka

0
125

Hargaysa (Dawan) Guddida Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa ah guddi u xilsaaran kor u qaasita Tayada waxbarashada sare ee Somaliland, waajibaadka guddida ayaa waxa ka mid ah hubinta cilmiga ay bulshada siiyaan Jaamacadaha dalku iyo hubinta Tayada manaahijtooda.

Gudiida tacliinta Sare ee Somaliland iyaga oo gudanaya waajibaadkooda ayay  sameeyeen baadhitaan ku saabsan hubinta Jaamacadaha bixiya Mihnada Dhakhtarnimada iyo Caafimaadka iyo inay buuxin karaan shuruudaha looga baahan yahay Jaamacada bixinaysa mihnada Dhakhtarnimada iyo Caafimaadka.

Qiimayntaasi ay sameeyeen guddida Tacliinta sare ka dib waxa ay guddidu soo saareen Jaamacado loo ogol yahay inay bixiyaan Mihnada Dhakhtarnimada iyo Caafimaadka, kuwaas oo ka kooban todoba Jaamacadood oo ku kala yaalLa dhamaan gobolada dalka, waxaanay guddidu sheegeen in anaay Jaamacad kale bixin karin adeega waxbarasho ee Mihnada Dhakhtarnimo iyo Caafimaad, sidoo kale waxa ay guddidu sheegeen inay Jaamacadahan oo kaliyi ay buuxiyeen toobadan Jaamacadood oo kaliya.

War-saxaafadeed ay soo-saareen Gudida Tacliinta sare ee Somaliland oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in Jaamacadaha Bixin kara Ama loo ogolyahay in lagu Diyaarin karo Mihnada Dhakhtarnimada ee Caafimaadka, Jaamacadahan ay kala yihiin sidan:-

1 Jaamacad CAMMUUD, Boorama

  1. Jaamacada Gollis Hargeysa iyo Gollis Burco
  2. Jaamacada Hargeysa , Hargeysa
  3. Jaamacada Burco. BURCO
  4. Jaamacada Franrz fanon. Hargeysa
  5. Jaamacada Edna Aadan. Hargeysa
  6. Jaamacada Adal University. Boorama