Caalamka Iyo Goobaha Ee Hal-Xidhaalaha Noqday!

0
103

Dunidan waxa ka buuxa muuqaalo cajiib iyo yaab leh, illaha biyaha ahi waa kuwo qurux badan oo dadku jecel yihiin. Laakiin illah biyaha shaydaanka ee Maraykanka waa kuwo ay ku wareereen culimada baadha oogada dhulka mudooyin badan.

 

Waxay ku taalla gobolka Minasoto goobta Judge Magney State Park. Biyahan aya laba meelood ukala qaybsama iyada oo midkood u leexta bari ila ay gaadhaan webiga Brule. Qaybta kale ee biyahan aya gaadha galbeedka goobo dhagxan waaweyn iyo hogag ah.

 

Hogagaasi oo lagu qiyaasay joogooda saddex mitir ayay ku dhacaan biyuhu,. Waxase yaab noqotay oo ila wahktigan la garan la’yahay in wixii  intaasi ka danbeeya biyahni ay qarsoomaan lamana arko meesha ay tagaan.  Arintaasi ayaa keentay in loo bixiyo magaca Isha shaydaanka.

 

Iyadoo wakhtigan heer sare laga gaadhay technolojiyada haddana weli lama hayo tafsiir dhab ah oo cadaynaya halka ay biyahani tagaan. Culimada aya raad raacaysay biyaha si ay u ogaadaan halka aya gaadho lakiin weli lama hayo natiijo dhab ah.