Itoobiya oo Shaacisay inay sii Wadayso Heshiiska ay la Gashay Somaliland

0
107

Hargeysa (Dawan)- Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Males Alem ayaa caddeeyay in Itoobiya sii wadayso heshiiska ku sallaysan   wax is dhaafsiga ee ay la gashay Somaliland iyo dalalka kale ee jaarka ah.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in ay diyaar u yihiin inay la xaajoodaan  cid kasta oo masaalixda wax wada qabsigu ka dhexayso.

Males Alem oo u jawaabayay hadalladii xanafta iyo colaad hurinta lahaa ee ka soo yeedhay madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar wuxuu yidhi “Hadalladii xanafta lahaa ee ka soo yeedhay  dalalka qaarkood, waxay sii dhabqinaysaa uun xaaladda iyadoo afkaarta guracan aanay faa’iido u lahayn dhinacna islamarkaana aanay keenayn wax is beddel ah.”