“Tallaabada Soomaaliya Kaga Soo Horjeeddo Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya Waa Mid aan Wax ka soo Qaad Lahayn….”

0
99

Hargeysa (Dawan)- Safiirka dawladda Itoobiya u fadhiya Soomaliya, Mukhtar Maxamed Waare ayaa waraysi uu siiyay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA ku faahfaahiyay sababta ay tahay in loo taageero heshiiska is-fahan ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.

Safiirku wuxuu wax aan waxba laga soo qaadayn ku tilmaamay hadallada madaxda Somalia ee ay kaga soo horjeedaan heshiiska.

“Somaliland iyo Somalia waxa ay ahaayeen laba dal oo xoriyadooda qaatay sannadki 1960kii. Somaliland oo ahayd maxmiyad Ingiriis ayaa  xornimada hor qaadatay, waxana ay la midowday Somalia oo Talyaanigu gumaystay,” ayuu yidhi Danjire Mukhtaar Waare.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya  ayaa sheegay in Somalia iyo Somaliland aanay ahayn dad isku taariikh ah, taasina ay tahay sababta ay dhibaatooyinkii iyo kala shakigii labada dhinac u bilaabmay wixii ka danbeeyay 1960kii.

“Tan iyo 1991kii Somaliland waxa ay samaysteen dawlad ay leeyihiin oo ku naalloonaysa nabadgelyo iyo xasillooni, waxa ay sameeyeen dhaqaale sal adag ku taagan iyo doorashooyin dadku ka qayb galaan, hannaan dawladeed oo dhammaystiran, waana dal nabdoon” ayuu yidhi Mukhtaar Waare.

Geesta kale safiir Mukhtaar waxa ku uu sifeeyay Somalia inay  tahay meel ay ragaadiyeen siyaasiyiin iyo qabqablayaal dagaal oo aan hiigsi ummadeed iyo horusucod lahayn, isla markaana hoy u ah kooxaha iyo shakhsiyaadka argagisada caalamiga ah ee adduunka oo dhami baadi goob ugu jiro.

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay dantu ku qasabtay inay Ciidamadeeda gayso Somalia si ay u ilaaliso amnigeeda qaranka.

Danjire Waare ayaa ku tilmaamay heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid xaqiijinaya horumarinta  dhaqaalaha iyo amniga Itoobiya iyo Somaliland, isla markaana hadallada madaxda Soomaliya ay ku tiraabayaan ee ay kaga soo horjeedaan heshiiska ay yihiin qaar aan wax ka soo qaad lahayn, waxna aan ka beddelayn xaaladda jirta iyo heshiiska midna.

Safiir Waare oo aad moodaysay inuu u jawaabayo madaxweynaha Somalia oo  sheegay in Itoobiya iyaga ay soo marto si ay kiraysato marin badda ah ayaa hadalkiisa ku soo daray  in haddii ay Somalia  la heshiin lahaayeen si ay u helaan dhulka Somaliland inaanay taasi dhacdeen sababta oo ah buu yidhi Somaliland waa dal aanay maamulin Somalia.

Safiirka ayaa ayaa tilmaamy In heshiiska ay la galeen Somaliland ay tahay inay taageeraan guud ahaan dalalka gobolku.