Wax cusub Maaha in Golaha Guurtidu Codsadaan in Xeerar la soo Celiyo.” Siyaasi Cabdiraxmaan Dheere

0
118

Hargeysa(Dawan):-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere) oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee Golaha Wakiilada ayaa sheegay in aanay ahayn markii ugu horraysay ee Golaha Guurtida Somaliland ay  codsadaan in lagu soo celiyo Xeer Golaha Wakiiladu u gudbiyeen Madaxweynaha.

Cabdiraxmaan Cismaan Caalin ayaa  tilmaamay in muran ka dhashay Xeerkii Doorashooyinka ee Golaha Wakiilada u gudbiyeen Madaxweynaha loo raacayo qodobka 78aad ee Dastuurka,

Cabdiraxmaan dheere oo Arimahaa ka hadlayayna.Waxaana uu yidhi”Doorashooyinka cid ayaynu u igmanay wax hadal ah kamay iman Xukuumadda la eedaynayaa doorasho ay ka hadashay oo ay yidhaadeen ma,dhacayso,maynu arag Komishanka doorashooyinka markay yidhaahdaan doorasho maqaban karno.waa laga hadli karaa wax cusub maaha in Golaha Guurtida Somaliland  ay codsadaan in Xeerar la soo celiyo waanay dhacday,waana habraac waxaana loo raacayaa qodobka 78aad ee dastuurka kama hadlayso doorasho laysku hayo,”.

Sidoo kale Cabdiraxmaan dheere ayaa  tilmaamay in Guddoomiyaha Golaha Guurtida uu yahay Guddoomiyaha baarlamaanka labada gole marka ay isku yimaadaan labada gole oo uu gudddoomiyo.Waxaana uu yidhi”Guddoomiyaha Golaha Guurtidu waa Guddoomiyaha baarlamaanka labada gole marka ay isku yimaadaan isaga ayaa gudddoomiya,waxaana jirtay xeerar laysku celiyay wakhti Baarlamaan kani joogay Xeerkii shaqaalaha dawlada ayuu ahaa. wakhtigayagiina waxa jirtay Xeerkii shirkadaha Caymiska oo aanu u gudbinay Madaxweynaha oo aanu u qaadanay xeer Maaliyadeed oo Golaha Guurtida codsadeen in loo soo celiyo,”.