Maxaad Ka Taqaanaa Noocyadda Doofaarka Fiidmeerta iyo Dhiddada ama Caano-qubta

0
43

Waxaa jira malaayiin nooleyaal naflay ah oo adduunka guudkiisa ku wada nool oo siyaabo, iyo nidaamyo kala gedisan u nool.

Iyadoo aynu wada ogsaan nahay noolaha naflayda ah ay aad u tiro badan yihiin, hada na waxaa jira kuwo hab nololeedkoodda la deraasadeeyay oo wax badan laga yaqaano.

Kuwaasoo marka khubaradda ku takhasusay arrimaha Xayawaanka, iyo deegaanku ay ka warbixinayaan aad ula tacajabayso, sida ay u tarmaan, u nool yihiin, cunto u raadsadaan, sida ay cadowga isaga difaacaan, iyo waxyaabo kale oo fara badan.

Hada ba qormadeena todobaadkan ee Deegaan Jirre, waxaynu ku soo qaadan doonaa saddex nooc ka ka mid xayawaanka dhulkeena ku nool ee weliba aadka loo yaqaano.

 

Xayawaanadaasi na waxay kala yihiin noocyadda uu u kala baxo Doofaarku,ย Fiidmeerta iyoย Dhidada ama Caano-qubta.ย Aan soo qaadano qaybta koowaad ee qormadeenaan oo ku saabsan, maxay ku kala duwan yihiin labadda nooc ee uu doofaarku u kala baxo?

  1. Doofaarka dab-joogta ah ama la dhaqdo (Pigs): Waxa uu ka mid yahay boqortooyada xayawaanka, bahda laf-dhabarleyda ah, gaar ahaan qoyska naaslayda. Sidoo kale waxa uu ku jiraa bahda laba suulleyda, qoyska ballaadhan ee Khaansiirka ama Doofarka (Swine family).

Doofaarkani wuxuu dadka la noolaa muddo aad u dheer, waxaana uu ka mid yahay xayawaanadda marka laga yimaado xoolaha, kalluunka iyo digaaga ay dadku hilib ahaanta u dhaqdaan ee ugu badan caalamka kaas oo loo isticmaalo siyaabo kala duwan.

Doofarka dabjoogta ee adduunka kunool waxaa lagu qiyaasaa 752 milyan oo xabo. Doofaarkan aduunkoo dhan waa laga helaa marka laga reebo cidhifyada Aartiga ee qabow iyo Waqooyiga Afrika. Wuxuu quutaa waxyaabaha kasoo jeeda dhirta iyo noolayaasha kale.

Sidkiisu waa 3 bilood ama 115 maalmood, kaas oo ku qaangaadha 5 ilaa 6 bilood. Waxaana uu leeyahay 38 hiddo-side. Waxaa ay gaaladu aad ugu amaanaan inuu yahay xayawaan aad u maskax badan balse wuxuu kamid yahay xayawaannada nijaasta ah ee uu islaamku xaaraantimeeya cunidiisa iyo dhaqashadiisaba.

  1. Doofaarka duurjoogta ah (Warthog)

Waxa uu kamid yahay Boqortooyada xayawaanka lafdhabarleyda ah, gaar ahaan qoyska naaslayda. Sidoo kale waxa uu ku jiraa bahda laba suulleyda, qoyska ballaadhan ee khaansiirka ama doofarka (Swine family).

Guud ahaan waxaa loo qaybiyaa ilaa afar nooc, asal ahaan waxaa laga helaa oo uu caan ku yahay qaaradda Afrika, gaar ahaan dhulka cawska leh iyo dhulka banaanada geed-gaabka ah.

Doofaarka duurka ku nool waxa ugu badan ee laga helaa dalalka saxarraha ka hooseeya ama dalalka Bariga Afrika. Xayawaankani waa uu u nool yahay koox koox, waana dhir daaq inkastoo marmarka qaarkood uu quuto xayawaannada kale ee dhintay ama bakhtiga.

Labadan nooc ee Doofaarku malaha qanjidhada jidhka ka saara dhididka oo badanaa kulaylka waxa ay ka galaan hadhka, waxayna ka soo baxaan wakhtiyada cadceedu qabaw dahay. Waa xayawaan aad u dheereeya balse haddii uu lafihiisa u cabsado waa uu iska dhiciyaa cidii soo weerarta. Sidkiisu waa 6 bilood waxaana uu leeyahay 34 hiddo-side.ย Waxaa qoray oo aan qaybtan ka soo xiganay Dr. Ibrahin Dhuxul, oo ka faalooddaย Barashada xayawaanka iyo dabeecadda.

Qaybta labaad ee qormadeenan Deegaan Jirre, waxaynu ku soo qaadan doonaa xayawaanka loo yaqaanoย Dhidada ama Caano-qubta.

Dhidada/Caano-qubtaย (Porcupines),ย waxa oogada jidhkeeda ku yaala in ka badan 30kun oo qodxood (spines), kuwaas oo difaac uga ah xayaawanada ugaadhsada ama hilibkeeda jecel. Dhidadu awood uma laha qodxahaas inay ku ganto cadawga soo weerara. Laakiin, waa ku jilicsan oo u diyaarsan inay ku go’aan taabasho yar oo khafiif ah oo kaga timaad ugaadhsadaha.

Qodxaha caano-qubta ayaa ah kuwo aad u fiiqan oo ka dhex dusi kara maqaar aad u adag. Dhidada shagaarka lihi waa nooca ugu weyn dhidooyinka ku nool Afrika iyo aduunka oo dhan. Waxaa qoray oo aanu ka soo xiganay Xaaji Dahabi, oo isna wax ka qora arrimaha xayawaanka.

Qaybta saddexaad ee qormadeenan maanta waxa kaloo aan ku soo qaadan doonaa hab nololeedka, iyo dabeecadaha xayawaanka loo yaqaanno Fiid-meerta.

Fiidmeerta madaxa dubaha leh (Hammer headed bat),ย oo sidoo kale loo yaqaan Fiidmeerta Bishimaha weyn waa nooc ka mida bahda fiidmeerta, waa na ta ugu weyn Fiidmeerta ku nool guud ahaan qaaradda Afrika.

Waxay ka tirsan tahay bahda saddexda nooc ee Fiidmeerta Midhaha cunta. Shimbirtani waxay quudataa midhaha sida muuska, Cambaha, Saytuunka ha u badnaadaan midhaha berdaha iyo Darayga (Fig trees).

Fiidmeertu badanka waa habeen quute yaal oo maalintii oo dhan waxay hurdaan geedaha dushooda ama godadka aan iftiinka lahayn. Dalalka Afrika qaar noolahan waa la ugaadhsadaa waa na laga cunaa.

Balaca Baalalkeedu waxay gaadhaanย  38 inches (97 cm) Labka ayaa aad uga weyn ta dhedig. Waxa laga helaa oo ay ku nooshahay wadamada Angola, Benin, Burkina Faso, Cameroon, Central African Republic, DR Congo, Congo, Cote d’Ivoire, Equatorial Guinea, Ethiopia, Gabon, Ghana, Guinea, Guinea-Bissau, Kenya, Liberia, Nigeria, Sierra Leone, Sudan, Togo iyo