Ciidanka Socdaalka iyo Cisbitaalka Guud oo ka Shaqaynaya Hubinta Caafimaadka Dadka Socotada

0
117

Hargeysa (Dawan) Hoggaanka fiisayaasha ee laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Cabdi Saleebaan Aadan, ayaa sheegay in ay mihiim tahay hubinta caafimaadka dadka socotada ah ee dalka soo galaya maadama ay dalal kala duwan ka imanayaan.

Waxa uu xusay in dadka soogalootiga ahi ay isugu jiraan kuwa shaqo u imanaya, kuwa dalxiis u imanaya iyo kuwa waxbarasho u imanaya, waxa uu intaas ku daray inay lagama maarmaan tahay in la kaantaroolo si aanay cudurada faafa dalka u soogelin.

Sidoo kale waxa uu wasaaradda caafimaadka JSL, ka codsaday in dadka soogalootiga ah intaan la siin waraaqaha degaanaanshiyaha in ay u sameeyaan baadhitaan caafimaad.

Agaasimaha cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan, ayaa sheegay in dadka soogalootiga ah ee ka hawlgala gudaha dalka Somaliland ay isugu jiraan kuwa caafimaad qaba iyo kuwa xannuunsanaya, waxa uu xusay in hay’adda laanta socdaalka Somaliland ay ka aqbashay dalabka ay ula tageen ee la xidhiidhay in baadhitaan caafimaad loo sameeyo dadka soogalootiga ah.

Geesta kale Dr. Cabdiraxmaan waxa uu caddeeyay in dadka socotada ah ee soogalootiga ah laga baadhi doono xannuunada faafa, sida HIV/AIDS, iyo Jooniska, waxa uu intaas ku daray in baadhitaanka ciddii ka gudubta uun la siin doono waraaqaha dal ku jooga, hawlahoodii shaqana siiwadan doonaan.

Gaba-gabadii waxa uu caddeeyay in dadka laga helo xannuunada faafa in aanay dalka ka sii shaqayn doonin ee la mastaafurin doono, kaliyana ay ka shaqayn doonaan dadka caafimaadka qaba.