Waa Qalad sharci in Mucaaradku Nin Suuqa Jooga ay kula Shuraakoobaan Xildhibaanadii usoo baxay

0
77

Hargeysa(Dawan)Guddoomiyaha  Urur   Siyaasadeedka Talo-wadaaag   Ibraahim  Mahdi   Buubaa ayaa naqdiyay isbahaysiga Siyaasadeed ee Xisbiyadda Mucaaradka iyo Urur Siyaasadeedka   KAAH.

Ibraahim  Mahdi   Buubaa ayaa  sheegay  in qalad  sharci ay  tahay in Urur Siyaasadeedka KAAH kula shuraakoobo   Mucaraadka   Xildhibaanadii ka soo  baxay Xisbiyadda  Waddani  iyo  UCID.

“Marka  aan  aqoontayda   ku  cabbiro  isbahaysiga   Xisbiyadda   Mucaaradka iyo ururka  KAAH,waxa  la leeyahay  KAAH  ayaa kula  shuraakoobay Xildhibaano  Golaha  Wakiilada   Xisbiyadda  Mucaaradka  xaguu  ka  keenay  Ururka   KAAH,ma  xisbi   ayuu  ahaa   Xildhibaanada waxa ay ka  soo  bixi   karaan Xisbi.Nin aan  xisbi  la  hayn  sidee ayay  ugula  shuraakoobi  karaan  Xildhibaanadii ka  soo  baxay Xisbiyadooda.waa  qalad  sharci  iyo  qalad  siyaasiya  in  nin suuqa iska  jooga in ay  kula  shuraakoobaan  Xisbiyadda   Mucaaradka    Xildhibaanadii  ka  soo  baxay  Xisbiyadda Waddani   iyo UCID  waxba uma  soo  kordhinayso,sidee   kula shuraakoobi  karaa nin  aan  xisbi  lahayn  Xildhibaanadii  xisbigaaga  ka  soo baxay.mise  waxa uu  leeyahay isku  reer ayaanu  nahay,bal  isqabadsiiya  suurta  gal   maaha   sharciyan   in nin  suuqa  joogaa  ka  xaysto Xildhibaanadii   ka  soo  baxay  Xisbiyadda Mucaaradka.muxuu  tarayaa  ninka  Xildhibaanka,”.

Sidoo  kale  Ibraahim  Buubaa   ayaa  waxa uu  timaamay  in  Guddoomiyaha  Xisbiga  Waddani aanu  waxba ku  soo kordhin  Xisbigaaas.Waxaana  uu  yidhi”Waxba  kumuu  soo  kordhin  xisbiga Waddani Guddoomiyaha  Xisbiga Waddani  Xirsi   Cali  Xaaji Xasan,in  mid   kale   ku  guuro arimihii  doorashooyinka  ee muddada  badan  ay u  qaylinayeen  in  arimo urur  Siyaasadeedka KAAH  wato khalkhal   Siyaasadeed   galiyo waa  arin   mucjisa,”.