Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyey shirka amniga

0
120

 

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka waaaradda arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed,ayaa guddoomiyay shirka amniga qaranka oo ay ka soo qayb galeen taliyeyaasha ciidamada kala duwa ee dalka kana qabsoomay xarunta miiska saraakiisha ciidanka Qaranka ee Hargeysa.

 

Kulanka ayaa ku saabsanaa dardargelinta iyo xoojinta amniga guud ee Dalka, kulankaas waxaa ka soo qaybgalay Taliyeyaasha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka.

Kulankan ayaa la iskula qaatay in la adkeeyo amniga guud ee Dalka iyo xuduudaha, si looga diyaar garooba cadow kasta  oo ku taamaya in ay waxyeelaan Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo ka xun horuumarka iyo guulaha Qarankani ku tallaabsaday.