Guddoomiyaha Guddida Ruqsan bixinta iyo anshax marinta Qareennada Somaliland oo Xilka la Wareegay

0
87

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL Md. Saleebaan Warsame guuleed ayaa Xilka u kala wareejiyey Gudoomiyaha hore ee Ee gudida Ruqsad bixinta iyo Anshax-Marinta Qareenadda. Aamina Hassan Cismaan Iyo Gudoomiyiha cusub ee gudida ruqsad bixinta iyo Anasha Marinta Qareenada Maxamed Cismaan Hassan Cigaal.

 

Waxaana madasha xil-wareejinta goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda caddaaladda, Gudoomiyaha Xuquuqul iinsaanka Qaranka. xeer ilaaliyaha gobolka Gudoomiye maroodi-jeex ku xigeenka Ururka qareenada lataliyaha gudoomiyaha maxkamada sare, Xubnihii hore ee gudida ruqsad bixinta iyo anshax marinta qareenada iyo Dhamaan Xubnaha gudida cusub ee ruqsad bixinta iyo anshax marinta qareenada qaar ka mid ah Agaasime waaxeedada wasaaradda caddaaladda iyo xubno ka socday ururka qareenada.

 

Munaasibadan oo si heer sare loo soo Agaasimay ayaa waxa ay iskugu jirtay dardaaran iyo ducaba waxa ayna ku soo gabagabawday si heer sare ah. Guddoomiyaha ayaa todobbaadkii hore xilka loo doortay.