Musharixi u Horreeyay ee Basaska Caasimada Hargeysa oo Shaaciyay Hankiisa Guddoomiyenimo

0
99

Hargeysa (Dawan) Maxamed Ismaaciil Xoore Qaloombi, ayaa shalay sirasmiya u shaaciyay  in uu u taagan yahay jagada guddoomiyenimada basaska caasimada Hargeysa.

Maxamed waxa uu sheegay in uu ka mid yahay muwaadiniinta wax ku bartay gudaha dalka, isla markaana uu khibrad iyo waayo aragnimo u leeyahay kursiga guddoomiyenimo ee basaska caasimada ee uu ka mid yahay musharcixiinta u tartamaysa.

Musharax Xoore waxa uu xusay haddii uu ku guulaysto jagada guddoomiyenimada basaska caasimada in uu wax badan ka qaban doono adeegbixinta wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee u kala goosha degmooyinka caasimada.

Maxamed Ismaaciil Xoore, waxa uu odayaasha basaska caasimadu ka codsanaya inay codkooda ugu hiiliyaan, waxaanu balanqaaday in   uu kor u qaadi doono xirfada iyo aqoonta dirawaliinta basaska caasimada Hargeysa.

Waxaanu yidhi.“Waxaan utaaganahay guddoomiyenimada Basaska caasimada Hargeysa, odayaasha musdanbeedka basaska caasimada waxaan ka codsanaya in ay igu hiiliyaan codkooda.

Haddii aan ku guuleysto guddoomiyaha waxaan balanqaadaya in aan ugu adeegi doono Bahda basaska, sinaan, cadaalad, eex-la’aan karti iyo hufnaan, waxaan qayb ka qaadan doona xalinta khilaafka iyo tabashooyinka, waxaan tababaro u qaban doona dhallinyarada iyo wadayaasha gaadiidka dadweynaha u adeegaya.

Sidoo kale waxaan ku dadaali doona in Bahda wadayaasha basasleyda caasimadu noqdaan kuwa la jaanqaada Tiknoolojiyada, sidaadi darteed waxaan idinka codsanaya inaad igu hiilisaan codkiina si loo helo hoggaan u adeega umadiisa”

Musharax Xoore waxa uu sheegay in kursiga guddoomiyenimada basaska caasimada aanu rabin in uu ku tago reernimo iyo nin jeclaysi balse aqoontiisa iyo hankiisa uu tago.

Waxaanu yidhi.“Kursiga aan u tartamo ku iman maayo reer hebelnimo, hebelba ku xiga iyo hebelba inaadeerkaa ah, waxaan doonaya inaan ku tago kursiga guddoomiyenimada basaska caasimada Hargeysa codka adeegayaasha dadweynaha, gaar ahaan odayaasha loo igmaday xulista musharixiinta basaska caasimada,”