Xoojinta Difaaca Jidhka!

0
87

Geedka Rumaanka ayaa dawo ka noqday bararka ku yimaadda unugyada maskaxda sida ayย  cadeeyeen koox ka tirsan Jamaacadda Huddersfield ee dalka Ingriiska.

Koox khubaro oo jaamaacdda ka tirsan ayaa baadhis ku sameeyay midho ka mid kuwa Rumaanka , kuwaasi oo si rasmi ah u cadeeyay inuu unugyada maskaxada ka sakow uu waxtar weyn u leeyahay meelaha laabatooyinka jidhka .

2Sida warbixintu cadaysay Romaanka ayay wakhtigan si weyn u isticmaalaan dhakhaatiirtaย  qaabilsan unugyad iyo murqyada.

Daraasad iyadana ay sameeyeen koox dhakhaatiir Ingiriis ah ayaa cadaysay in Liin macaantu ay waxtar weyn u leedahay dhinaca caafimaadka qofka. Waxayna sheegeen inay ku badan tahayย  Vetmin C, taasi oo faaโ€™iido weyn u leh hargabka ama duriga,ย  Daraasaddu waxa kale oo ay sheegtay inay Liintu xoojiso difaaca jidhka ee qofka iyo weliba inay ka kaalmayso difaaca jidhka in fayraska soo gala jidhka iska saaro.

Dhakhaatiirta ayaa intaasi raaciyay inย  Liinta iyo Tufaax labaduba ay dawo uga yihiin dumarka kansarka ku dhaca ugaxan sidaha. Dhakhaatiirta aya sugay in cuntaada ay ku jirto flavonoids ay tahay tan lagu daweeyo kansarka ugaxan sidaha, sidaa darteedna flavonoids ay ku jirto kuna badan tahay Tufaaxa iyo dhamaan noocyada liinta.