Runta Iyo Badbaadinta Bulshada!

0
118

Waxa lagu magacaabi jiray Abu Muxamed Al-Xajaaj Binu Yuusf wuxu ahaa hogaamiye ka tirsanaa Dawladii Umawiyiinta wuxu noolaa ( 714 H ama 660 M ) wuxu ahaa nin adag oo khudbado dheer, oo dhiiga dadku uu aad ugu fududaa. Wuxu ku barbaaray Daaโ€™if waxaana loo magacabay inuu noqdo Badhsaabkii Ciraaq.

 

Maalin ayuu khudbadii Jimacaha ku dheerayay dadkii, nin muslimiintaย  ka mid ahaa ayaa istaagay oo ku yidhi โ€œ Khudbada soo gaabi , salaadii way tegaysaโ€. Xajaaj ayaa markii uu dhameyay ciidankiisa ku amray inay ninkaasi xidhaan.

Ninkii markii uu muddo xidhna ayay odayaashiisu u tegeen Xajaaj Binu Yuusf oo ka codsadeen inuu sii daayo ninkaasi iyagoo u sheegay inuu yahay nin waalan oo aan maskax ahaan dhamayn.

Xajaaj ayaa ku yidhi โ€œย  Iigu yeedha haddii uu waalan yahay bal aan arko ka dibna waan sii daynayaa โ€œ.

Markii ninkii odoyaashiisa u sheegeen inay Xajaaj u geynayaan uguna sheegeen inuu waalan yahay ee uu sidaasi ogaado. Ninkii ayaa ku yidhiย  odoyaashii โ€œ waa haaggaaโ€.

Markii Xajaaj loo keenay ayay odoyaashii yidhaahdeen waa kan waa nin waalan. Laakiin ninkii ayaa markiiba hadlay oo yidhi โ€œ Waar anigu ma waali, waan miyir qabaa, maxaad nimcada Allah isiiyay been uga sheegayaโ€ โ€ Haddii aan banaanka joogayo anigoo waalan, jeelkana anigoo miyir qaba, jeelka ayaan dooranayaa โ€œ.

Xajaaj oo ahaa nin macangag ah oo madax adag ayaa qoslay oo yidhi โ€œ Waar waa runtiiye naga sii daya, idinkaa been noo sheegaayeโ€. Sidaasi ayay mar kasta runtu u tahay mid ku badbaadinaysa.