Madaxweynahii Hore ee Somaliland oo si Weyn loogu soo Dhaweeyay Hargeysa

0
143

Hargeysa (Dawan) Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay dalka.

Wasiirrada arrimaha gudaha, Xanaanada Xoolaha, Ganacsiga iyo Wasiir kuxigeenka Warfaafinta ayaa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin, oo ka yimid dalka Faransiiska oo uu tobankii sanno ee la soo dhaafay uu deganaa.

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa u mahadceliyay wasiirrada soo dhaweeyay, waxaanu tilmaamay inay is waraysan doonaan inta uu joogo dalka.

Madaxweyne Daahir Rayaale waxa socdaalkiisa ku wehelisay Afadiisa Marwo Hudda Barkhad Aadan.

Waxaanui yidhi.“Anigo ah madaxweynihii hore ee dalka soo maray, sida aad igu soo dhaweyseen garoonka diyaaraduhu ka hadaan ee Cigaal waan idinka mahadcelinaya soo dhaweyntaas, waxaan rajjeynaya haddii ALLE yidhaahdo markaan nasano in aan iswareysan doono”

Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo reer miyiga Siciid Sulub Maxamed, ayaa ka hadlay soo dhaweynta madaxweynihi hore ee Somaliland, Mudane Daahir Riyaale Kaahin.

Waxaanu yidhi.“Waxaanu ku soo dhaweynay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo Marwadiisii Huda Barkhad Aadan, kaas oo ka soo noqday safar uu dalka dibeddisa ku joogay in muddo ah, ku soo dhawow dalkaagii iyo dadkaagi aad ku tacabtay ee aad madaxweynaha iyo ku xigeenkaba u ahayd.”